Dalalka Itoobiya Iyo Masar Oo Dal Waliba Dhinaciisa Uga Cadhooday Tallaabooyin Ay Qaadday Soomaaliya

0
804

Addis-Ababa, March 26, 2020- (Foore)- Inkasta oo xukuumadda Soomaaliya ee Farmaajo ay ku dhawaaqday in ay dhexdhexaad ka tahay xaaladda Cakiran ee u dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Masar oo ay sheegtay in aanay dhinacna la jirin oo ay waliba taa baddalkeeda isku diyaarinayso sidii ay labadaasi dal u dhexdhexaadin lahayd haddana waxa ay ilo diblomaasiyadeed sheegeen in dawladda waddanka Itoobiya aad uga cadhootay tallaabo ay dhawaan qaadeen dawladaha Muqdisho iyo Jabuuti.

Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga xumaatay qaraar uu dhowaan Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray Xiisada Nile-ka ee kala dhaxeysa dalka Masar, oo ay qeyb ka ahaayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti. Qaraarkaasi ayaa cambaareyn loogu jeediyay Itoobiya, middaasi oo keentay in dowladda Itoobiya ay si weyn uga gubato in qaraar ka dhan ah ay qeyb ka noqdeen dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, oo saaxiibtinimo dhow la leh Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa garab istaag weyn u muujiyey dowladda Masar, xiisada ka dhaxeysa Itoobiya ee webiga Niilka, taasi oo loo arko inay keentay galaan-galka weyn ee Masar ku dhex leedahay Ururkaasi. Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka tirsan Ururkaasi, ayaa iyaguna qeyb ka ahaa qaraarkaasi, inkasta oo markii dambe ay Farriin raalli-gelin ah gaadhsiiyeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo isagu si weyn uga cadhooday inay qeyb ka noqdaan qaraarkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay soo gaadhsiiyeen Dhambaalo ay kaga xun-yihiin qaraarkaasi, kadib markii ay faah-faahin ka dalbatay Itoobiya doorkooda ku aaddan arrinkaasi.

“Dhambaalo aanu ka helnay (Soomaaliya iyo Jabuti) waxay noogu sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu ansixiyay aanu door xallin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan u tagay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, si uu Abiy Axmed ugu gudbiyo dhambaal uu usoo dhiibay madaxweyne Farmaajo oo uu ku caddeynayo inay ka xun-yihiin qaraarkaasi uu soo saaray Ururka Jaamacada Carabta oo ay qeyb ka ahaayeen, isla markaana uu Raalli-gelin buuxda ka siiyo.

Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa saxiixay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr, oo Soomaaliya uga qeyb galay shirka, hase yeeshee waxaa kasoo horjeestay madaxweyne Farmaajo, oo sheegay inaan lagala tashan arrintaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lumin karin taageerada Itoobiya, maadaama uu u baahan yahay in ciidankeeda uu adeegsado dagaalka uu kula jiro maamul goboleedyada dalkaasi Soomaaliya ee dhibaatadu ka taagan tahay.

Ciidamada Itoobiya ayaa hore loogu adeegsaday maamulka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale ku sugan yihiin gobolka Gedo, iyada oo hore loogu fashilmay in loo adeegsado maamulka Jubaland, maadaama ay Jubaland taageero ka haysato ciidamada Kenya, oo Itoobiya aanay  dooneyn inay isku dhacaan.

Dhinaca kale waddanka Masar ayaa ka cadhooday go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya ee ay ku sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay iyada oo isku tirinaysay in ay Soomaaliya oo taariikh fogi ka dhaxayso Masar ay xaggeeda taageeri doonto balse ay taasi suurto gali wayday taasi oo ka cadhaysiisay Masar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here