Hargeysa, March 23, 2020- (Foore) – Xisbiga Mucaaridka ee UCID’ ayaa Eedaymo culus u jeediyey Ganacsatada Shidaalka Dalka Keenta waxaanay dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho fadhida ugu Baaqeen Inay si degdeg ah Faraha uga qaaddo Ganacsato reer Somaliland oo ay Xamar lagu xidh xidhay.
Siyaasi Yuusuf Kayse Cabdilaahi, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa oo uu Saxaafadda kula hadlay waxa uu si adag uga hadlay Rag dhalinyaro Ganacsato reer Somaliland ka soo jeeda oo Dowladda Madaxweyne Farmaajo Xamar dhexdeeda ay ka qafaalatay isaga oo ugu baaqay in raggaasi xorriyadooda dib loogu soo celiyo.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ugu horayn ka hadlayey Ganacsatada Shidaalka Somaliland Keenta oo uu eedaymo u jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Waxa Nasiib Darro ah in Dunidii oo Shidaalkii Halkii u hoosaysay taariikhda uu Markii u horraysay gaadhay in maanta ganacsatada Somaliland wali ay Shidaalkii sidiisii hore ay intuu ahaa Ku iibinayaan oo aanay waxba ka dhimin wakhti dunida uu heerkii ugu hooseeyey marayo qiimaha shidaalku. Waxaan Dowladda u soo jeedinayaa inay tallaabo adag oo deg dega ka qaaddo ganacsatada Shidaalka keenta”
Siyaasi Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sido kale sheegay in Xisbiga UCID uu soo dhawaynaayo Guddida Madaxweynuhu u saaray ka hortaga iyo ka wacyigelinta Cudurka Corona-Viruska balse Xisbi ahaan ay talooyin Ku soo jeedinayaan in Guddidaasi loo sameeyo Miisaaniyad ay Ku hawlgalaan Laguna daro Guddida Xubno Dhakhaatiirta iyo Qaybaha bulshada ka tirsan.
Xaaladda qiimaha shidaalka ayaa halkiisii taagan iyada oo bilihii ugu dambeeyey qiimaha shidaalku si weyn hoos ugu dhacayay dalalka adduunka oo dhan taasi oo xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ku tilmaamay ganacsatada dalka keenta shidaalku in ay yihiin kuwo u baahan in tallaabo laga qaado oo ay xukuumaddu il gaar ah ku eegto.
Dhinaca kale UCID waxa uu bulshada ugu baaqay in ay iska kaashadaan sidii loo soo dayn lahaa ganacsatada Xamar ay ku xidhxidhay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.