Madaxweynaha Ruushka Oo Magaalooyinka Waaweyn Kusoo Daayay In Ka Badan 800 Oo Isugu Jira Shabeello Iyo Libaaxyo Dad Qaad Ah Si Ay Dadka Ugu Khasbaan In Ay Guryahooda Hoosta Ka Soo Xidhaan

0
727

Moscow, March 23, 2020 – (Foore)- Waxa noqotay wax dadkii dalkaasi u qaadan waayeen oo in badan amakaag ku riday kadib Markii xukuumadda Waddanka Ruushku go’aan ku gaadhay in Sabtidii dorraad ay suuqyada iyo waddooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Ruushka ku soo daayeen in ka badan 800 oo isugu jira Libaaxyo iyo Shabeello dad qaad ah si ay dadkooda ugu khasbaan in ay guryahooda ku sugnaadaan oo aanay shaaracyada iyo suuqyada u soo bixin si looga hor tago faafitaanka caabuqa Koroona Fayras.

Waddooyinka waweyn iyo Suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka sida Moscow, Saint Petersburg, Novosibirsk, Yekaterinburg, Kazan, Sochi iyo kuwo kale oo badan ayaa mar qudha dorraad subax lagu waabariistay iyada oo ay kala xidheen Shabeello iyo Libaaxyo waaweyn oo argagax galiyay dadkii magaalooyinka deganaa kuwaasi oo ay khasab ku noqotay in qof waliba qolkiisa hoosta ka soo xidho oo aanu samayn wax dhaqdhaqaaq ah oo uu dibadda ugu soo baxo.

Sida ay ku soo warramayso wakaaladda Wararka ee InterFax ee dalka Ruushku, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa la xaqiijiyay in uu isagu bixiyay Amarka Magaalooyinka waaweyn ee Ruushka loogu sii dhex daayay 800 ee Shabeellada iyo Libaaxyada ah oo waliba noocoodu yahay kuwa halista ah oo xajmigoodu weyn yahay, qaarkoodna uba muuqaan kuwo gaajaysan oo haddii ay dadka haleelaan daqiiqad ku kala goosanaya, tan oo ugu dambayn keentay in habeen hore illaa shalay cidi dibadda u soo bixin iyada oo kaliya telefishannada laga daawanayay Libaaxyada iyo Shabeellada gaaf wareegaya waddooyinka iyo meelihii saxmadda ahaan jiray oo imika noqday haawanaya oo aanay laba qof dhex marayn.

Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin oo qoraal kooban shacabka dalkiisa kula wadaagay barta uu ku leeyahay Twitter waxa uu yidhi: “Waxaan jeclaysannay inaanu Libaaxyo iyo Shabeello ku soo dayno Magaalooyinka si ay dadku guryahooda ugu negaadaan. Waxa aan awoodaynay in aannu dadka amar ku soo rogno oo aanu u sheegno in ay guryahooda ku sugnaadaan oo aanay soo bixin si looga hor tago loona xakameeyo Cudurka halista ah ee Koroona Fyaras balse waxa aan go’aansannay in aanu Libaaxyada iyo Shabeellada meel walba ku soo dayno si looga baqdo oo aanay cidina isku iman, halkii aanu qofkii dibadda u soo baxa xabsi u gayn lahayn”.

Dhinaca kale Wasiir xukuumadda ka tirsan ayaa sheegay in dawladdu aanay doonayn in qofna dareemo in xabsi guri la galiyay oo xorriyadda laga qaaday sidaa darteed fikirkan uu Madaxweynahoodu keenay si iyada oo aan qofna la qasbin haddana qof waliba gurigiisa hoosta ka soo xidho,  si ay uga badbaadaan Libaaxyada iyo Shabeellada gaajaysan ee meel walba yaacaya.

Shalay oo Axad ahayd, kaliya waddanka Ruushka waxa laga diiwaan galiyey in ka badan 61 Kiis oo Koroona Fayras ah taasi oo tirada guud ee dadka Ruushka ah ee uu haleelay cudurkani ka dhigaysa illaa imika 367 qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here