Layaabka Wixii Qabsaday Ninkii La Kulmay Qofkii Ugu Horreeyay Ee Coronavirus Lagaga Helay Wadanka Nigeria?

0
733

Maalmo yar kaddib markii ay Nigeria ku dhawaaqday qofkii ugu horreeyay ee coronavirus laga helay dalkaas, waxaa baraha bulshada ku faaftay sheeko layaab leh. Warka la faafiyay waxaa lagu sheegayay in darawalkii gaadhigiisa ku qaaday qofka bukaanka ah uu dalbaday lacag, si uusan u faafinin cudurka, arrintaasina waxay abuurtay cadho badan oo ay muujiyeen dadka reer Nigeria.

Sheekadani waxay ahayd mid been abuur ah, laakiin saameynta ay ku yeelatay Jude Ikuenobe, oo ahaa ninkii sawirkiisa loo isticmaalay warka aan saxda ahayn aad bay run u ahayd. Wuxuu mar qudha waayay nabadgalyadiisii, waxaana billowday farriimo isdabajoog ah oo loogu hanjabayay in la dili doono. Xitaa wuxuu ku dhawaaday inuu noloshiisa soo afjaro, oo uu isdilo. Hase yeeshee sheekada darawalkani waxay hal tusaale uun u tahay tobannaan sheeko oo noocaas ah oo ku faafay gudaha Nigeria, tan iyo markii uu dillaacay coronavirus.

BBC-da ayuu la hadlay Jude Ikuenobe, wuxuuna muujiyay dhibaatada kasoo gaadhay arrintaas. Dhinaca kale wuxuu isku dayayaa inuu dadka gaadhsiiyo farriintiisa. “Ma jiro qof doonaya inuu ii soo dhawaado, waxaan dadweynaha u sheegayaa in qofka la sheegayaa aanu aniga ahayn, sawirkeygana si khaldan loo adeegsaday”, ayuu yidhi. Markii ugu horreysay ee uu Jude sheekadan arkay qudhiisa aad buu uga argagaxay. “Si caadi ah ayaan khadka internet-ka u galay, waxaana arkay sawirkeyga oo warka ku jira, oo lagu tilmaamayo inuu yahay darawalka la eedeynayo ee gaarigiisa kusoo qaaday bukaanka ka yimid Talyaaniga, una kala safriyay magaalada Lagos ilaa gobolka Ogun”, ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here