Is-barbar Dhigga Awoodaha Milatari Ee Dalalka Itoobiya Iyo Masar Oo Isku Mici Lisanaya

0
138

Marka laga tago siraaca ama dagaalka taariikheed ee dhinacyada diinta iyo xadaaradda ee muddo kumannaan sano ah u soo dhaxeeyey dalalka Itoobiya iyo Masar waxa imika xaaladda sii adkaynayaa waa dhismaha biyo-xidheenka Abaay ee waddanka Itoobiya ka dhisanayo Koonfurta dalkaasi kaasi oo waddanka Masar ku keenay walaac xooggan oo ay ka qabto saamaynta Biyo xidheenkaasi ku yeelan doono Xaddiga Biyaha Webiga Niilka ee waddanka Masar.

Biyaha Webiga Niil waxa uu qofka Masriga ah uga dhigan yahay Halbawlayaasha Dhiigga Qaadda Wadnaha Qofka Masar, Halka Dhismaha Biyo-xidheenka Abaay isna Itoobiyada Cusub uga dhigan yahay Halbawlahooda Dhaqaale ee ay isaga xorayn lahaayeen kuna tuuri lahaayeen dhiisha faqriga ee ay Kumannaanka sano xambaarsanaayeen. Waa is baddalka nololeed iyo rajada uu qabo qof kasta oo Itoobiyaan ahi, haddana labadan arrimood halkee iska qaban doonaan.

Kani waa Madaxweynaha waddanka Masar Cabdulfataax Al Siisi oo ka hadlayay Biyaha webiga Niilka iyo Biyo xidheenka Itoobiya. Waxa uu yidhi: “Dhibic Biyo Ah oo Niilka iska dhinta ama ka yaraataa waa dhibic dhiig ah oo qofka reer Masar ah jidhkiisa ka baxday mana aqbali doono in waxyeelo loo gaysto Biyaha Niilka”

Kanna waa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo isna la hadlayay Ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya waxaanu yidhi: “Itoobiya waxa ay kor u dhaafaysaa Hal Milyan oo qof, waxaanay intaasiba diyaar u yihiin in ay dhiiggooda ku bixiyaan ilaalinta biyo xidheenka Abaay, mana jirto awood aanu ka baqayno oo nagu soo duuli kartaa, haddii cidi isku daydo in ay nasoo weerarto waanu naqaannaa dagaalka waanay ku jabi doonaan xaqiiqo ahaan”.

Iyada oo haddaba Boqolkiiba toddobaatan (70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xidheenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada. Itoobiya ayaa u aragta in Mareykanku aanu dhexdhexaad ka ahayn wada xaajoodka, uuna la safan yahay dalka Masar, sida ay sheegtay jariiradda Foreign Policy. Addis Ababa ayaa dhowr jeer ku gooddiday inay difaacan doonto biyo-xidheenka ayna xaq u leedahay ka faa’iideysiga biyaha webiga.  Arrintan ayaa timid kaddib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xidheenka aanan la dhammeystiri karin illaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaadhayo. Haseyeeshee, dowladda Masar ayaa ku doodaysa in haddii Itoobiya ay dhammeystirto biyaxireenkaasi uu saameyn ku yeelan karo biyaha ay masar ka hesho webiga.

Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya?

Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Telefishanka CNN ee dalka Maraykanka oo aan ka soo xiganayno is barbar dhiggan Milatari oo laga soo qaatay shabakadda Arrimaha Milatariga ka faalloota ee Global Fire Power qiimaynteedii dhammaadkii sannadkii aan ka soo gudubnay ee 2019 waxa ay ku sheegtay in Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 12aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 47-aad ee ugu awoodda badan dunida marka la qiimeeyo 137 waddan.

Awoodda milateri ee Masar

Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaadheysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaadheyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaadhaya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuurta dagaalka ee gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Itoobiya Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee haataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaadhayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa la sheegay in ay haystaan 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 baabuurta gaashaaman ee dagaalka ah, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Dhinaca Awoodda Badda, Shabakadda Global Fire Power waxa ay sheegtay Dawladda Masar ay aad ugu awood sarrayso maadaama xooggii ciidamada badda waddanka Itoobiya la kala diray sannadkii 1991-kii oo aanay wakhtigan wax bad ah lahayn. Masar waxa ay haysataa in ka badan 320 Maraakiib iyo Doonyo dagaal isugu jira waxaana ka mid ah laba Markad oo waaweyn oo ah nooca Diyaaradaha xambaara ee ay ka dul haadaan iyo 7 Markab oo ah kuwa masaafo dheer wax ka duqeeya. 8 Gujis iyo in ka badan 50 Doonyaha dheereeya ah, kuwa wax basaasa iyo kuwa ciidamada gurmadka ah xambaara. , 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.

Waana dalka kali ah ee qaaradda Afrika ka haysta Maraakiibka diyaaradaha xambaara.

Itoobiya lama yaqaano rasmi ahaan maraakiib dhawr ah oo dagaal oo ay lahaan jirtay halka ay ku dambeeyeen waxaase dhawaan waddankaasi ku dhawaaqay in uu dhisanayo cududdiisii dhinaca badda isaga oo la kaashanaya waddanka Faransiiska waxaan ala filayaa in uu saldhig weyn oo Milatari ka samaysto waddanka Jabuuti.

Dhinaca awoodda Cirka:

Ciidanka cirka ee Masar waxa ay haystaan 1092 Diyaarood oo noocyadoodu u kala duwan tahay sidan: 211 waa Diyaaradaha dagaalka ee wax duqeeya, 341 waa kuwa circa ku dagaalama ee diyaaradaha kale weerarka iyo difaaca ku qaada, 59 Diyaaradood waa kuwa xamuulka, saadka iyo ciidanka qaada. 388 waa kuwa tababarka ciidamada Cirka loo adeegsado, 293 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kelokobtarka loo yaqaano.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa Dalalka Bariga Iyo Geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaarad oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, inkasta oo ay u badan yihiin farsamo ahaan Ruush,  9 diyaaradood oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Miisaaniyadda Awoodda Milatari ee dalka Masar waxa ay dhan tahay 4.4 Milyaar oo Dollar halka Miisaaniyadda Awoodda Milatari ee Dalka Itoobiya dhan tahay 340 Milyan oo Dollar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here