Haweenaydii Soomaaliga Ahayd Oo Cudurka Koroona Ka Qaaday Jilaagii Ay Guursatay Ee Idris Elba

0
776

Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

Sabrina ayaa difaacay go’aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, waxay u sheegtay barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ “Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho”

Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo.

“Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska” ayey Sabrina ugu sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii.

“Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto” ayay tidhi Sabrina.

Sabrina oo ka hadlayey caafimaadkeeda iyo waxa hadda ay dareemayso ayay tiri “Ma dareemayo wax dadku ay filan lahaayeen, sida calaamadaha fayraska corona, taasi oo ah wax la yaab leh”

Waxay sii raacisay “Laga yaabee inay isbadasho todobaadyada soo socda, waan idinla socodsiin doonaa, kaliya waxa walwalka ah ayaa ah innaan halkan labadeennu fadhino, laba qof oo calaamadaha laga helay”.

Xaaska aktarka ayaa aad loogu dhaliilay in ay nafteeda ka dheerayn wayday Idris markii laha helay fayraska covid-19.

Jilaaga caanka ah ee guursaday Sabriin Dhawre, Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain wuxuu dhashay 6-dii September 1972-kii wuxuu ku dhashay magaalada London.

Aabbihii wuxuu ka soo jeedaa dalka Sierra Leon, Hooyadiina dalka Ghana, waxayna isku guursadeen dalka Sierra Leone kaddibna waxay u soo hayaameen Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Idiris wuxuu dugsiga sare ka baxay 1988-kii wuxuuna shaqadiisi ugu horreysay uu ka billaabay huteellada habeenki lagu caweeyo isaga oo DJ ahaan ku shaaqeeynaya isla-markaana heeso halkaasi ku soo bandhigayey.

Idiris wuxuu caan ku yahay jilidda filimaanta, DJ, Soo saaridda filimaanta iyo qaadidda Heesaha raabka.

Filimaanta uu sida weyn ugu soo caan baxay jilitaankoodana waxaa ka mid ah Stringer bell, Filinka taxantaha ahaa e HBO, The Wire, Filimaanta laga sameeyey Luther iyo Filinka ka hadlaya halganka xorriyadda ee Nelson Mandela (Long Walk of Freedom) oo si taxana ah uga baxayey BBC One.

Mr Elba laga billaabo 1994-kii ilaa 2018 wuxuu jilay filimaan aad u badan oo dunida si weyn looga xiiseeyo sumcad aad u weyna uu ku yeshay.

Filimka ugu horreeyey oo uu jilo Idris Ebla wuxuu ahaa filim taxana ahaa oo la yirahdo Bramwell oo ka baxayey Telefishiinnada dalka Britain.

Filimki ugu horreeyey uu atoora koobaad ka noqdana wuxuu ahaa filimka magaciisu ahaa Daddy’s Little Girl sanadka marka uu ahaa 2007-dii.

Jilitaanka filimaantana waxaa Idiris u dheer isaga oo DJ ah inuu heesaha uu masraxyada kala duwan uu ku soo bandhigo. Sanadki 2016-kii wuxuu wargeyska Time uu Idris uu ku soo daray 100-ka qof ee sanadkaasi dunida ugu saameynta badnaa.

Bishi October 2014-kii wuxuu soo jeediye ka noqday barnaamij toddobaadla ah oo ka baxayey BBC Radio 2 oo ka faallooda Muusika qaaradda afrika.

Marxaladihi Guur uu Idris soo maray

Idris Akuna Elba wuxuu guursaday seddex jeer:

1) Xaaski ugu horreeyey uu guursaday waxay ahayd ‘Kim Norgaard’ wuxuuna qabay 1999-kii ilaa iyo 2003-dii waxayna u dhashay laba caruur ah.

2) Xaaski labaad uu guursadayna waxay ahayd ‘Sony Nicole Hamlin’ sanadki 2006-dii (wuxuuna qabay 4 bilood oo keli ah)

3) Xaaska seddexaad uu guursadayana waa Saabiriin Dhawre oo Soomaali ah, guurkiisa seddaxaadna wuxuu iclaamiyey 10-ka Bisha Fabraayo 2018-ka balse waxay si rasmi ah iisu guursadeen April 26, 2019-ka.

Diinta uu aaminsan yahay mar uu ka hadlayey wuxuu Idris Ebla sheegay ‘inuu diin aaminsaneen balse uu aaminsan yahay iney awood sare oo koonka maamusho jirto’, xagga kubadda cagtana wuxuu si weyn u taageeraa kooxda Arsenal.

May 2017-ka ilaa iyo Nobember 2018-ka wuxuu Idris guddoomay 8 abaalmarin oo kala geddisan uu ku muteystay jilitaanka filimaanta iyo soo jeedinta barnaajyada idaacdaha ka baxa.

Saabriin Dhawre oo 29 jir ah 16 sanana ka yar ninka ay guursataya ee Idirs Ebla waxay shekeysanayeen muddo 7 bilood ah. Idiris iyo Sabrina Dhawre wuxuu 2 maalmood ka hor arooskooda ka dhacay Huteelka Mandarian oo ku yaalla dalka Morocco. Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhawre waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here