Burco, March 16, 2020- (Foore)- Shir ay qabsadeen beelaha Habarjeclo iyo Garxajis oo lagu magacaabo Samo Talis ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana shirkaasi iskugu tagay oday dhaqameedka Labadaasi beelood ee wada degga Gobolkaasi.
Shirkan ayaa Shalay arooryadii hore ka furmay Huteelka City Plaza ee Magaaladaasi Burco, waxaana kasoo xaadiray oo kasoo qayb galay ergooyin ka kala tirsan dhaqanka beelahaasi, kuwaas oo ay kale hoggaaminayeen Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse iyo waliba Suldaanka Guud ee Beelaha Garxajis Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Shirkan ayaa ah mid dhaqan sida ay sheegeen madax-dhaqameedka labada Beelood,balse haddana waxa la filayaa in aanay ka madhnaan doonin arrimaha siyaasaddu, madaama uu shirkani ahaa mid ka soo unkamay siddii ay labada dhinac iska laabxaadhan lahayeen xanaftii ka dhalatay doorashaddii dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii.
Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldan Cabdilaahi Suldaan Cali oo kalmado ka jeediyay shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Marka u horaysa Shirkan, dhawaaqii hore ee aan dhawaaqayna waad maqlayseen, Hadeerna waxaan leeyahay shirkan shir siyaasadeed maaha, waa shir dhaqan, Malaha Maba jiree ninkii halkaasi guntiga ku sita siyaasadaw halkaaga iskaga hayso, shirkaasi shir magac reeba oo Somaliland wax tara inuu noqdo, innana dad la mahadiyo aynu noqono”.
Suldaan Maxamuud Guuleed oo ka mid ah Salaadiintii Beelaha Habarjeclo ee qayb gashay shirkaasi ayaa isna yidhi “Shirkan waakaas Suldaanku tilmaamay, shirkan Beesha Habarjeclo ayaa dhigtay, ujeedada iyo waxa aynu ka dayaynaa waxa weeyi, wa inaynu ku abuurno oo aynu ku salayno, weheshigeenii dib ugu soo noolayno, ku abuurno jawi walaalnimo, Ehelnimo, wada-noolaansho,wax wada yeelasho, iyo iskaashi”.
Suldaanka Guud ee Beelaha Garxajis Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isna furitaanka shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Shirkan maanta, anigu hore uma tagin shir ka wayn, horena uma dhicin, waa shir loo baahnaa, oo u baahan in taladiisa lawada qaato oo daacad loo noqdo, oo daacadnimo aan wax ku wadno, dadka arin siyaasadeed uuni kama dhaxaysee,mid dhaqan ayaa ka dhexeeya”.
Dhanka kale shirkan ayaa soconayaan muddo afar cisho ah waxaana la filayaa in la soo gebagebeeyo 19 bishan March 2020-ka, kaasi oo laga soo saari doona war-murtiyeed mihiim ah sida ay sheegeen madax-dhaqameedka labada dhinac.
Sidoo kale, ajandayaasha Qarsoon ee shirkaasi ku lamaan ayaa laga soo sheegayaa inay ugu horrayso oo aanay ka madhnayn wadaag siyaasadeed iyo iskaashaan buuraysi dhinac ka ah beelaha kale ee Somaliland, waxaana maxsuulka iyo warmurtiyadeedka shirkaasi kasoo bixi doono isha ku haya Beelaha kale ee Somaliland dega oo aad uga dhursugaya.