“Legdinta Dambe Ee Annaga Nagu Dhacday Ayaa Sii Xanuun Badnayd, Wax Kale Isumaynaan Hayne Siyaasad Baa Ina Kala Fogaysay Imikana Siyaasiyiinteena Aan Wada Dhisno”

0
825

Burco, March 16, 2020- (Foore) – Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo ka mid ah Salaadiinta waaweyn ee Beelaha Garxajis oo ka mid ahaa salaadiintii waaweynayd ee shalay ka hadlay furitaanka shirka SAMA-TALIS ee Beelaha Garxajis iyo Habar-jeclo uga furmay Magaalada Burco ayaa waxa uu sheegay in ay ka beel ahaan soo dhawaynayaan in wixii labada beelood hore u soo kala gaadhay laga bogsado bog cusubna loo furo sidii labadan beelood isku kaashan lahaayeen maadaama buu yidhi ay dhinaca siyaasadda laba legdimood soo kala gaadhay oo ay toodii iyaga ku dhacday ee dambe sii xanuun badnayd sida uu hadalka u dhigay.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa sheegay in ay labada beelood iska kaashan doonaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadda iyo wada noolaanshaha, siyaasiyiinta labada beelood ka soo jeedana ay si dhex ah u dooran doonaan oo wada jir ah.

Suldaanka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Shirka Qiimaha badan ee halkan innooga furmay maanta Ilaahay waan ugu mahad naqaynaa. Ilaahayna ha innoo barakeeyo. Sama-talis baynu ku qornee in Ilaahay Sama-talis innooga dhigo Ayaan ku ducaynayaa. Reerahan wax kale kama dhex dhicine ee wax siyaasad loola baxay oo aynu la laba legdoonayno oo aynu garan la’nahay si aynu ugu dhaqano ayuunbaa ka dhex dhacday taana waxaan leeyahay waa la reebay oo xagga dambe ayaa la dhigay balse waxaan ka xusayaa maalmihii bahashu socotay horta labada legdimood hadba legdinta dambe ayaa sii yara xanuun badan bahashu isku mid ma aha. Waxa weeyi idinku tii hore waad ka bogsateen oo nabaradeedii waan dhaynay. Annagase wali bahashii waa nagu taallaayoo. Waxa kale oo aan xusayaa berigii dhawayd ee shirkan ay waday qoladan Habar Jeclo ayaa niman badan oo Salaadiina oo reerku dhalay oo Suldaan Maxamuud ka mid yahay ayaa shan maalin kali ah ay soo fadhiisteen markaasaanu ku nidhi Abtiyaal waxaad yeelaysaan xoogga iyo xoolaha iyo codkaba qaybiyoo waxaad yeeshaan idinka iyo waayeelka kaleba dawladnimaduna dhex ha noqoto. Si loo yidhaa berigii arrinku sidaasi ayay u qaybiyeen. Suldaan Maxamuudkaa imika hadlayay baa noogu hadal kululaa inta kalena waa la jiibinaysoo laba Suldaan Maxamuud.

Markaasaan ku idhi waar horta Laba Suldaan Maxamuudow iyo kuwa kale ee aanu dhallayoow idinku xagga dambe fadhiista oo waxba ha na odhanina. Waxay yidhaahdeen Abtiyaal haddii aannaan annagu idinku soo dhiirran ma cid kale ayaa idinku soo dhiirranaysa. Markaa waxaan leeyahay abtiyaal haddii aad haddana maanta garateen idinka iyo raggii kaleba in aad xanaftii dhaydaan oo shirka hormuud u noqoteen waa idinku bogaadinaynaa. Ta siyaasadda labadiinan beelood waxa loo baahan yahay in ay idiinka soocnaato oo ehelnimadiinii iyo wada jirkiisii asal ha ahaado. Yaanay idinka qoomin wixii aad isu ahaydeen. Marka kali ah ee aad siyaasadda dhibkeeda ka fogaan kartaan waxa weeyi iyada oo aydaan qabiilayn.

Kii wadana aad ku tidhaahdaan siyaasad qabiil oo reeraysan dooran mayno iyada oo aad isku dhex jirtaan raggaa reeraha ka dhashay ee wada yaacaya ee inamadeenii ah kii dadkaa dhex orda ee raganimadiisa kaga soo jiita in loo wada codeeyo runtiina ta midho dhalaysaa taa weeyi. Ka madaxtinimada doonayana taasaa u sharaf ah. Maanta laga bilaabo xurguftii yaraydee siyaasadeed ee labadaa legdimood suldaanku ku sheegay waxa ay ila tahay shuushow-bax aan nidhaahno. Siyaasadda waxa ka horreeya in aan horta bogsiinno wixii yaraa ee reerahan soo kala gaadhay taasaa horraysa wixii dambe iyadaa iska imanoo xilligeeda iyo wakhtigeeda. Qoladan Graxajisna haddii ay soo faydfayteen dee sanduuq cod lagu gurayaa imika ma jiro ee wakhtigeeda aan sugno”. ayuu Yidhi Suldaanku

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here