Garoowe (Foore) – Shirka wadatashiga Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa barqanimadii maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya ku dhowaad 500 oo ruux oo isugu jira mas’uuliyiin heer federaal, heer dowlad goboleed, bulshada rayidka iyo dhaqanka.
Sidoo kale shirka ayaa wuxuu socon doonaa muddo saddex cisho ah, iyadoo khudbado kala duwan ay ka jeedin doonaan xubnaha lagu casuumay madashadaasi oo uu horay u iclaamiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni).
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ee magaalada Garoowe.
Arrinka xiisaha leh ayaa noqonaya ee warbaahintu si weyn u hadal hayso in ay shirkan ka soo qayb galeen wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee ka soo jeeda Deegaanada Puntland.