Addis Ababa (Foore)- Kadib Markii la xaqiijiyay manta in waddanka Itoobiya laga helay kiiskii ugu horreeyey ee qof qaba Caabuqa Coronavirus, waxa ay Somaliland sheegtay in ay dhammaanba joojisay fiisaha dalku galka ah ee dadkii kai man jiray ama soo mari jiray caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa.
Wakiil ku xigeenka Xafiiska Somaliland ku leedahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Mudane Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa si rasmi ah u sheegay in xafiiskoodu joojiyay fiisayaashii ay siin jireen dhammaanba dadka doonaya in ay dhinaca Itoobiya ka galaan Somaliland kadib markii maanta oo Jimce ah Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya shaaca ka qaaday in ay qabteen qofkii ugu horreeyey ee qaba cudurka COVID 19 ee uu keeno Caabuqa Corona kaasi oo lagu sheegay in uu yahay Muwaadin u dhashay waddanka Japan.
Wakiil ku xigeenka Somaliland ee waddanka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye oo bartiisa uu ku leeyahay Facebook arrintan ka sheegay ayaa waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan:
“Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka #COVID19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya na ay dadka farayso in la raaco. Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa” ayuu yidhi wakiil ku xigeenku.
Dhinaca kale waxa Iyana maanta oo Jimce ah waddanka Kenya sheegay in ay Magaalada Nairobi ku hayaan kiisii ugu horreeyey ee qof qaba Coronavirus kaasi oo lagu sheegay in ay tahay gabadh Kenyan ah oo ka soo laabatay waddanka Maraykanka.