Aqalka Sare Ee Maraykanka Oo Dhagaystay Warbixin Ku Aadan Dawlad Degaanka Soomaalida

0
807

Washington (Foore)-Shir albaabadu u xidhan yihiin oo ay Guddiga Arimaha Dibada ee Aqalka Sare ee Maraykanku la galeen ururo ka dhaqdhaqaada waddanka Maraykanka oo daneeya arrimaha Ethiopia, ayaa dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda wadanka Ethiopia guud ahaan, gaar ahaana gobolka Soomaalida.

Xildhibaanada ayaa walaac ka muujiyay geedi-socodka siyaasadeed iyo habdhaqanka Dr Abiy Axmad, iyagoo xusay in ay shaki wayn ka qabaan in xukuumaddu dhab ka tahay in ay isbadal dhab ah keento.

Waxaa sidoo kale Gudigu uu dhagaystay  warbixin qotodheer oo ku saabsan dawlad degaanka Soomaalida. Warbixintan oo uu soo jeediyay Mudane Abdi Mohamoud, ayaa  gudiga u sharaxay xaalada uu ku sugan yahay gobolku, taas oo ah mid ka liidata wadanka intiisa kale. Waxa uu u sheegay inaanu wax isbadal ahi ku iman qaabka iyo meesha laga go’aamiyo arimaha gobolka, taas oo ay wali laamaha amnigu ay yihiin kuwa iska leh go’aanka u dambeeya.

Sidoo kale, waxaa warbixintu ay diirada saartay in xaalada amni ee gobolku ay gashay marxalad adag, taas oo sababaha ugu horeeya ay yihiin dawladnimadii iyo sarayntii sharciga oo meesha ka baxday. Sidoo kale, musuq baahsan, xayiraad xaga xuquuda aasaasiga ahi , shaqo la’aan baahsan ay  dhalin yar badan ku keentay niyad jab iyo quus, taas oo keeni doonto khatar xaga amniga ah.

Gudigu waxa ay soo saari doonaan bayaan kaasoo la rajaynayo in uu si adag ula hadli doono dawlada Abiy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here