Hargeysa, March 12, 2020- (Foore)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale daaha ka rogay arin muran iyo falanqayn ka dhex abuurtay Goobaha Siyaasadda kadib markii uu shalay Xubintiisii Komishanka Doorashooyinka u metalaysay uu u soo xushay Xubin ka tirsanayd Komishankii hore ee Doorashooyinka Somaliland oo dhawaan shaqo gaar ah loo igmaday.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu shalay soo saaray Waxa uu Cabdifataax Ibraahim Xasan oo komishankii hore ka tirsanaa uu mar kale u soo xushay inuu xisbiga UCID ku matelo Komishanka Cusub ee Doorashooyinka Somaliland kadib markii Madaxweyne Biixi ku celiyay dhawaan xubin uu hore ugu soo xushay, waxaanay arintani mar kale keentay hadal hayn iyo falan qayn xoogleh.
Gudoomiye Faysal ayaa qoraal uu ku socod siiyay Madaxweyne Biixi waxa uu ku yidhi sidan “Mudane Madaxweyne Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa in Mudane Cabdifatax Ibraahim Xasan aan usoo xulay inuu ahaado xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka u matali doonta Xisbiga UCID, sidaa darteed waxaan mudane Madaxweyne kaa rajaynayaa inaad sida ugu dhakhsiyaha badan ugu gudbiso Golaha Wakiiladda Somaliland, si ay uga gutaan waajibkooda sharciga ah”.
Haddaba markii ay soo baxday arintani ayaa waxa si weyn loogu qaadaa dhigay Baraha Bulshada, maadaama oo ay Xubintani ka tirsanayd Komishankii hore ee doorashooyinka islamarkaana heshiiskii dhawaan ay kala saxeexdeen Xisbiyada iyo Xukuumadda ay u egmadeen shaqo gaar ah, waxaanay dad badani u arkeen inay carqalad ku noqon karto heshiiskaasi ama ay hawlgab ka dhigayso shaqadii loo igmaday komishankii hore ee heshiiska lagu gaadhay. Xisbiga UCID ayaa sidoo kale isha ku haya inuu Madaxweynuhu soo celiyo iyo inuu is dhaafiyo saacadaha soo socda.