Tani waa Melita Norwood, waa mid ka mid ah basaasiintii dunida soo martay kuwooda ugu halis badnaa ee sida gaarka ah hawlihii ay qabateen guulo waaweyn uga gaadhay. Bogagga Taariikhda basaasiintana bogag dahab ah ka galay. Waa Basaasaddii saamaynta weyn ku lahayd in Ruushku samaysto qunbuladdii ugu horraysay ee ahayd hubka wax gumaadda ee Nukliyeerka. In ka badan 35 sannadood oo hawl-galladeedii qaateen ka hor intii aanay hawlgabka noqon Ayaan maalin kali ah, saacad kali ah la ogaan oo magaceeda iyo hawsha ay qabatay ku keydsanaa bogagga sirta taariikhda hawl-gallada basaasnimo ee dalka Ruushka. Waa Haweenaydii Ingiriisku mdudo dheer tahli waayay in uu ogaado in ay adhaxda ka jabisay oo u basaastay Ruushka. Waxa ay ku qaadanaysaa in ka badan 55 sano in ay ku ogaadaan hawsheeda basaasnimo, taasi ayaa hawlgalka haweenaydan ka dhigaya mid gaar ah.
Melita Norwood oo 25-kii Bishii March sannadkii 1912-kii ku dhalatay deegaanka Pokesdown, Magaalada Bournemouth ee waddanka Boqortooyada Ingiriiska waxa iska dhalay Hooyo Ingiriis ah iyo Aabbe u dhashay waddanka Latvia. Waxa ay shaqo-gal noqotay iyada oo aan gaadhin labaataneeye sano. Waxa ay markii ugu horraysay shaqaale hoosaad ka noqotay shirkad ka shaqaysa macdanaha oo ku taallay duleedka magaalada London. Muddo kooban kadibna waxa ay xubin firfircoon ka noqotay Xisbigii aaminsanaa mabaadii’da shuuciga oo wakhtiyadaa ka dhisnaa Carriga Britain oo dhallinyaro badani xubno ka ahaayeen.
Waa sannadihii soddomaadkii waxaana wakhtigaa dalalka reer Yurub ka hana qaaday halganka horumarka dhinaca warshadaha waxaana gaar ahaan dalka Ruushku wakhtigaasi isku abaabulayay in uu tallaabo weyn u qaado dhinaca horumarka isaga oo doonayay in uu ka guuro nidaamkii dhinaca dalaga beeraha iyo xoolaha ee dhaqaalihiisu ku dhisnaa waxaanu doonayay in uu u ruqaansado dhinaca dhaqaalaha ku dhisan warshadaha iyo wax-soos aarka cilmiga casriga ah loo adeegsado.
Ruushka waxa ka aasaasmay kacdoon warshadaha tamarta macdanta ku shaqeeya taasi oo keentay in suuqa macdanta dalalka reer Yurub Galbeed iyo bariba uu noqdo mid xaammi ah iyada oo shirkado waaweyn oo dhinaca macdanta ahi meel walba ka furmeen.
Arrintani waxa ay noqonaysaa albaabka ay Melita Norwood ka galayso wadanka Ruushka iyo caalamka basaasnimada. Maadaama ay ahayd gabadh yar oo aaminsan oo uu madax maray mabda’ shuucigu waxa ay la dhacsanayd in ay si walba ula shaqayso waddanka Ruushka iyada oo karaahiyo weyn u qabtay nidaamka waddankeeda Britain lagu maamulayay wakhtigaasi.
Sannadkii 1935-kii ayuu Hogaamiyihii xisbiga Shuuciga ee waddanka Ingiriisku Christopher Andrew uu Melita Norwood oo xisbigaasi ka ahayd xubin yar oo firfircoon u magacaabay in ay Ruushka ka keento siro iyo xogo la xidhiidha wax soo saarka iyo ganacsiga Macdanta.
Tani waxa ay keentay in Melita Norwood ay si weyn u dhex xusho xarumaha wax soo saarka macdanta Ruushka, Shirkadaha ka shaqeeya iyo saraakiisha ku hawlan qorshayaasha wax soo saar ee la xidhiidha Arrimaha macdanta.
Waxa ay u guurtay Caasimadda Ruushka ee Moscow. Sidoo kale sirdoonka waddanka Ingiriisku waxa uu noqday mid xiiseeya hawsha loo diray Melita Norwood waxaanay iyaguna ka codsadeen in ay la shaqayso oo ay mar walba soo gaadhsiiso xogaha ay u baahan yihiin. Melita Norwood waxa ay tababarro ka heshay wakaaladda sirdoonka Ingiriiska gaar ahaan waaxda qaabilsan dalalka dibadda balse waa ay diidday in ay hawl basaasnimo ah ku shaqayso oo ay dalkeeda ugu adeegto sidaasi ayaanay kaga hadheen.
Muddo laba sano ah ayay hawshii dalkeeda Ingiriiska u soo qabatay kadibna waxa ay codsatay in ay shaqadaasi joojiso iyada oo hawlaheeda kale qabsatay. Muddo kooban oo bilo ah kadib isla sannadkii 1937-kii waxa ay noqotay xubin laga shaqaalaysiiyo xarunta sirdoonka Ruushka ee KGB waxaanay la gashay heshiis basaasnimo oo ah in ay dalka Ruushka ka caawiso sidii ay Ingiriiska uga soo basaasi lahayd xogaha iyo macluumaadka la xidhiidha horumarinta warshadaha ku shaqeeya macdanta.
Melita Norwood maadaama ay ahayd gabadh uu dhiiggeeda raacay jacaylka ay u qabto mabda’a shuuciga ahi waxa ay dhabarka u ridatay masuuliyad culus oo ay ku rabo sidio ay Ruushka uga caawin lahayd wax kasta oo uu uga baahan yahay Arrimaha la xidhiidha Macdanaha, warshadaha tamarta Macdanta ku sahqeeya iyo siraha la xidhiidha.
July sannadkii 1937-kii ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay kooxaha basaasiinta ajaaniibta ah ee laga shaqaalaysiiyo Hay’adda sirdoonka Ruushka ee KGB oo ah mid ka mid ah hay’adaha sirdoon ee abid ugu weyn dunida.
Qorshaha ay KGB ku shaqaalaysiiyeen Melita Norwood waxa uu qayb ka ahaa sidii wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Ruushka loogu heli lahaa xog kasta oo casri ah oo shaqadeeda la xidhiidha oo dunida laga heli karo. Waxaana nasiib u ahaa Ruushka in ay heleen mid ka mid ah dadka ay baahida weyn u qabeen ee ugu wanagsanaa xog ka keenidda Arrintan.
….La Soco Qaybta Kale Cadadka Isniinta
Waxa Qoray: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Tifaftiraha Wargeyska FOORE