Xisbiyada Mucaaridka Oo Xubnahoodii Dib Ugu Celiyay Koomishanka Iyo Xisbiga WADDANI Oo Murashaxiintiisa Ugu Baaqay In Ay Degdeg Isaga Diiwaan Galiyaan Xisbiga

0
775

Hargeysa, March 9, 2020 (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa si rasmi ah u sheegay in ay ka xisbi ahaan dhinacooda u qaadeen tallaabooyinkii lagu heshiiyey in doorashadu ku qabsoonto oo ay ka mid ahayd in la soo buuxiyo xubnaha koomishanka doorashooyinka qaranka isaga oo sheegay in WADDANI hakintii ka qaaday xubintii u matali lahayd Komishanka Doorashooyinka qaranka ee ay hore u hakiyeen halka sidoo kale xisbiga Mucaaridka ah ee UCID isna Madaxweynaha iyo cidda kale ee ay khusayso ugu baaqay in aanay xubintoodii hore isaga casishay komishanka ka aqbalin is casilaadda uu sidiisii halkii uga sii wato.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shalay ka hadlayay munaasibad ay soo abaabuleen garabka haweenka xisbiga WADDANI oo la xidhiidhay xuska maalinta haweenka adduunka ayaa sidoo kale waxa uu baaq u diray dhammaanba siyaasiyiinta rag iyo haweenka leh ee xisbiga ka tirsan eel eh hanka siyaasadeed ee Murashaxnimada Doorashooyinka Baarlamanka iyo Deegaanka oo uu sheegay in ay si degdeg ah xisbiga ugu soo gudbiyaan hankooda rasmiga ah ee ka qayb galka doorashada, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu Guddoomiyuhu yidhi: “Wixii qabyo ah ee ku saabsan qabsoomidda Doorashooyinka qaranka si rasmi ah ayaa loo dhammays tiri doonaa. Xubintii aynu hakinay eek u jiray Guddida doorashooyinka qaranka waanu ka saarnay hakintii oo sidaasi ayuu ku hawl gali doonaa. In badan ayaynu isla jiitamaynay arrimaha doorashooyinka laakiin waxa aan ku faraxsanahay in walaahowgii laga baxay. In laga heshiiyay in la qabto doorashooyinkii. Heshiis siyaasi ah ayaa dhacay in doorashooyinkii baarlamanka iyo kuwii deegaankuba innoo qabsoomaan inta aanu dhammaamin sannadkan aynu ku jirnaa. Waxaan dhammaan cid kasta oo xisbiga ka tirsan oo han leh  u sheegayaa in xisbiga ay isla bishan saddexaad u soo gudbiyaan dalabkooda Musharaxnimo”.

Dhinaca kale xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ku sheegay in ay soo celiyeen oo aanay is casilaaddii ka aqbalin xubintoodii hore ay ugu gudbiyeen Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland Md. Xasan Yuusuf Ducaale kaasi oo dhawaan is casilay markii uu muranka culusi hadheeyey xubnaha Komishanka sidoo kalena Guddoomiye Faysal waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Md. Faysal Cali Waraabe iyo cidda kale ee ay khusayso in aanay is casilaaddaasi aqbalin oo uu xubintaasi sidiisii u guto hawshiisa si hore loogu tallaabsato dhammays tirka wixii qabyooyin ah ee hore uga jiray qabsoomidda Doorashooyinka ee dhawaan laga heshiiyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here