Xaaladdii Cudurka Coronavirus Oo Faraha Ka Sii Baxaysa, Soomaalidii Ugu Horreeyey Ee Uu Soo Ritay, Iyo Walaaca Somaliland Ee Ku Aaddan Isu Socodka Imaaraadka Carabta

0
685

Rome, March 9, 2020 (Foore)– Xaaladda Walaaca heer caalami ee laga qabo caabuqa cudur dhaliyaha ah ee CoronaVirus ayaa daqiiqad walba sii laba jibaarmaysa iyada oo dadka Soomaalida gaar ahaan eek u kala nool daafaha dunidu ay walaac xooggan qabaan kadib markii la xaqiijiyay dadkii Soomaalida ahaa ee ugu horreeyey ee uu soo rito caabuqan dunida kaga qaylisiiyey.

Caabuqan halista ah ee Coronavirus ayaa laga helay saddexdii qof ee ugu horreeyey ee Soomaali ah, kuwaas oo lagu karantiilay waddanka Talyaaniga oo ka mid ah dalalka reer Yurub ee uu faraha baas ku hayo cudurkani.

Saddexdan qof oo ku nool waddanka Talyaaniga oo uu xanuunku si weyn uga dillaacay, ayaa waxay ku nool yihiin waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga mid noqdeen dad ka badan 4,500 qof oo uu xanuunku ku dhacay.

Abuukar Nuur Xuseen oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Lombardia ee dalkaasi Talyaaniga ayaa ka warbixiyey xaaladda guud sida ay tahay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka caalamiga ah ee Universal.

Dr. Abuukar ayaa xaqiijiyey in illaa iyo hadda cudurka Coronavirus uu haleelay illaa saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo uu tilmaamay in labo ka mid ah ay ku nool yihiin magaalada caasimada ah ee Rome, halka qofka saddexaad uu joogo gobolka Lombardia.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaalad deg-deg ah uu ku jiro dalka, islamarkaana isbitaallada banaanadooda laga dhisay teendhooyin, si loola tacaalo dadka faraha badan ee uu soo ridanayo cudurka Coronavirus oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha.

Talyaaniga ayaa waxaa ku nool dad badan oo Soomaali ah, kuwaas oo inta badan tahriib ku tegay dalkaasi, si ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub.

Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale noqday waddanka saddexaad ee uu sii da daran u saameeyey Coronovirus, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 197 qof, iyadoona uu  cudurku haleelay in ka badan 4600 oo qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Dhinaca kale waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo xidhiidhka ugu weyni ka dhaxeeyo deegaamada Soomaalida gaar ahaan Somaliland ayaa la xaqiijiyay kiisas kor u dhaafaya 150 Kiis oo caabuqa Coronavirus ah taasi oo walaaca xaaladdan sii laba jibaaraysa. Duulimaadyo toos ah ayaa maalinba isaga kala goosha Magaalooyinka Hargeysa, iyo Dubai waxaana labada dal ka dhex socda ganacsi iyo isu socod kale oo aad u badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here