Siyaasiga Caanka Ah Ee Oromada Jawaar Maxamed Ayaa Cambaareeyey Abiy Axmed Kana Hadlay Dagaalkii 1977

0
193

Addis Ababa (Foore) – Siyaasiga Oromada, Jawar Maxamed ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Waddanka Itoobiya Abiy Axmed oo uu gef iyo bahdilaad ugu geystay halgankii shacabka Soomaaliyeed la galeen kalitaliyihii Mingistu sannadkii 1977-kii.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu shalay ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Dawladda Itoobiya ay Buurta Kaaramardha ku jabisay ‘ciidamo Argagixiso’ ah oo kusoo duulay dalkiisa, isla markaana ay cadowgaasi ka faa’iidaysteen bilowgii hore oo shacabka Itoobiya ay hurdeen, laakiin markii dambe uu Mingistu baarujin u sameeyey oo ay jabiyeen Soomaalidii kusoo duushay.

Shacabka Soomaalida ayaa ka dhiidhiyey hadalkan, laakiin siyaasiga Oromada ee Jawar Mohammed ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee aan Soomaali ahayn ee ka hadla, waxaanu Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyey inuu soo bandhigay, isla markaana abaabulayo xuska taariikh dhinac ka raran oo qaldan.

Jawar waxa kale oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal badan u galeen walaalahooda Oromada xilligii xasuuqa uu ku hayey Mingistu iyo waqtiyadii kale ee ay ka dhiidhiyayeen dulmiga ay Itoobiya ku haysay.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook oo ku qornaa luuqadda Oromada, ayaa waxa uu Jawar Mohammed ku xusay in Soomaalidu ay filayeen mar haddii walaalahooda Oromadu ay xukunka dalka qabteen, inay heli doonaan xuquuq, laakiin nabarradoodii uu cusbo sii mariyey Ra’iisal Wasaaruhu.

Qoraalka Jawar Mohammed oo uu soo turjumay Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cismaan, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Ma Gef Baa Mise Aqoon Darro Ayaa Jirta?

Toddobaadkii hore xasuuqii Aanole ka dhacay ee Mililik ku xasuuqay shacabka Oromiya taariikhdiisa ayaan waxbarashada dalka ka saareynaa ayey yidhahdeen, Oromo ayeyna ka xanaajiyeen, shalayna taariikhdii Kaaramardha intey xuseen ayey shacabkii Somaliyed ka xanaajiyeen. Kaaramardha in loo ekaysiiyo meel dowladdii Dhergiga oo kali ahi kaga adkaatay dowladdii Siyaad Barre, Itoobiyana guul loo qiro, waa qalad aad u ballaadhan. Taariikhdu markasta waxay u baahantahay in la xuso labadeeda waji, waxay ku fiiriyeen kaliya ishii Dhergiga iyagoo illoobay taariikhdii shacabka Deegaankaas.

Shacabka Somaliyeed iyo Shacabka bariga Oromiya ba dagaalkii waagaas dhacay guul kuma xasuusto laakiin wuxuu ku xasuustaa xasuuqyadii soo gaadhay shacabka iyo Barakacoodii ugu ballaadhnaa. Dawladdi Dhergigii waagii dagaalku dhacay, markii laga adkaaday xanaaqii guul-darrada Shacabkii ayey hubkii waawaynaa la dheceen iyagoon u aabba yeelin Soomali iyo Oromo ba, markay guuleysteenna sidoo kale shacabkii ayey baabi’iyeen iyagoon caruur, waayeel, dumar, magaalo, baadiye iyo wixii la mid ah midna u aabba yeelin. Baadiye iskaba dhaafe shacabkii daganaa magaalooyinka Harar iyo Dirdhabe ayaa la tirtiray.

Taariikhda dalkani waa mid aad u wajiyo badan, markastana haddii aad tidhaahdo taariikh baan xusi, waxaad xusaysaa uun aragtida kuwii berigaas xukunka hayey ee ma xusaysid taariikh ummadaha dalkani wada leeyihii, hadda ogow dowladduna waa mid ummadaha dalkan dhammaantood wada matasha, marka taariikhda inta la isku ururiyo in taariikh midkasta uu ugu yaraan dhib u arkeynin in la dhiso ayaa habboon. Dhanka kale markaad taariikh xuseysaan waa inaad aad iskaga ilaalisaan inaad hal dhan kaliya ka eegtaan, sababtoo ah qowmiyadaha, mid markuu arrin guul u arko, mid kale ayaa u arkaya ceebayn isaga la ceebaynaya, marka maanta in Hogaamiye Oromo ahi uu taariikhda intuu hal dhan kaliya ka eego walaaladeen Somalida ka xanaajiyo waa qalad ballaadhan. Iyadoo la rabay in la dhiso Itoobiya cusub, oo qowmiyad kasta ku faanto, oo mid togan ah, maxaa keenaya in la soo qufo taariikh hore oo xanuun badan, oo boog ah, loona kicinayo xusuus xanuun badan? Shacabka Somaliyeed maadaamaa markii ugu horreysay hoggaan Oromo ahi dalka xukumo, waxay billaabeen inay neefsadaan oo ay is yidhahdaan xuquuq baad helaysaan laakiin nasiib darro waxaa muuqata in boogtoodi cusbo lagu shubayo, waana mid xanuun badan runtii. Arrimaha noocaan ah haddaan laga fiirsanin darisnimadeena iyo xidhiidhkeennaba waa mid mugdi gelineysa runtii.

Shacabka Soomaaliyeed innaga deriskeena oo kaliya ma aha e, waa inoo walaal runtii, halganka Shacabka Oromiya walaalka kaliya ee ay lahaayeen waa Somalida, waagii Itoobiyadii xumayd markii ay billowday inay Shacabka Oromiya tirtirto hooskii aan harsannay Somali ayey ahaayeen runtii. Halgankii Waaqoo Guutuu iyo kii Galaasa Dilboo-ba waxay dabada la galeen Somali, sidaas ayeyna halkan innagu soo gaadhsiiyeen. Waagii Dowladdii Dhergigu gobollada Bariga Oromiya sida Hararge iyo Baali jabhadaha ayaad taageertaan intay yidhahdeen ayey xasuuq ku billaabeen Shacabka Oromada ee Beeraleyda ahaa ee gobolladan, dumarkii iyo maatidi xasuuqa ka soo hadhay waxaan ula baxsannay Somaliya, waagaas runtii intii ka soo hadhay xasuuqyadaas waxaa inoo badbaadiyey Shacabka Soomaaliyeed.

Runtii Shacabka Oromada iyo halgankoodaba Dhergigii barakiciyey ee xasuuqay  iyadooysan ahayn waxay ahayd ineey xusaan abaalkii Shacabka Somaliyed ee maatida inoo qaaday, inoo badbaadiyey, halgamayaasheenina garabka iyo gaashaanka u noqday. Taariikhdeennu waa ineey ku saleysnaataa runtaan bannaanka taalla.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here