Halyeygii Reer Brazil Ee Ronaldinho Oo Isagoo Katiinadaysan La Hor Keenay Maxkamad Iyo Dambiga Loo Haysto

0
765

Asuncion (Foore)-  Halyeyga reer Brazil ee Ronaldinho ayaa halis ugu jira in xukun adag oo jeelka lagu geynayo lagu rido, kaddib markii dalka Paraguay loogu xidhay baasaboor sharci darro ah oo uu ku galay.

Laacibkan hore ee Brazil iyo AC Milan oo xulka qarankiisa Brazil la qaaday Koobkii Adduunka 2002, ayaa laba habeen ku qaatay saldhig boolis oo ku yaalla caasimadda Paraguay, iyadoo la horgeeyey maxkamad ku taalla dalkaas.

Ronaldinho oo baasaboor been abuur ku galay dalkaas maadaama uu ka xayiran yahay kiisii Brazil, sidoo kalena dalka Spain uu kala laabtay baasaboorkii ay siiyeen xilligii uu Barcelona u ciyaari jiray, ayaa Sabtidii la sheegay in aan la xukumi doonin ee la sii daynayo, isla markaana loo fasaxay inuu ka qayb-galo xaflad uu marka horeba u tegay dalkaas.

Laakiin xeer Ilaaliyaha Guud ee Paraguay ayaa sheegay in haddii ay sii daayaan laacibkan hore, ay dembi culus oo dhinaca duulimaadyada iyo socdaalka ah gelayaan, taas darteedna ay sharciga hor-geynayaan oo lagu qaadayo dembiga uu galay, iyadoo loo cuskanayo xeerarka ka dhanka ah baasaboorrada been abuurka ah ee dalkooda iyo kuwa dadka ajaanibka ah ee khiyaameeya dalkooda. Ronaldinho oo ay da’diisu tahay 29 jir, waxa wehelinayay walaalkii Roberto oo ah ganacsade, laakiin waxa wararku sheegayaan in uu laacibkani waajihi doono lix bilood oo xadhig ah oo ay suurtogal tahay in xattaa aanu lacag ku iibsan karin. Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo bandhigay muuqaallo laga qaaday Ronaldinho oo jeebbaysan (katiinadaysan) oo lagu sii wado maxkamadda, sidoo kalena walaalkii ayaa katiinaddu ku xidhnayd, waxaana saldhigga ay ku xidhnaayeen lagaga qaaday baabuur qufulan oo midabkiisu madow yahay oo ah nooca lagu qaado dambiileyaasha.

Lama sheegin xilliga maxkamaddu soo afjari doonto dhegaysiga dacwadda, hase yeeshee lama filayo inay waqti badan qaadato maadaama uu Ronaldinho qirtay dembiyada lagu soo eedeeyey.

Qareenka u doodaya xiddigan hore, ayaa waxa uu sheegay in halyeyga reer Brazil aanu garanaynin in baasaboorka loo keenay uu ahaa been-abuur, haddii uu ogaan lahaana aanu kusoo safreen.

Si kastaba ha ahaatee, dad kale oo tiradooda lagu sheegay laba illaa saddex qof oo haween ku jiraan ayay boolisku qabteen xilligii lasoo xidhayey Ronaldinho. Waxaanay dad badani u arkaan xiddig xaaladdiisu sii xumaanayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here