Hargeysa, March 9, 2020- (Foore) – Aqlabiyada Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shalay durduro ku meel mariyey wax-ka-badelka iyo kaabista lagu sameynayo xeerka isgaadhsiinta Somaliland, oo ay Doraad golaha wakiilladu wax ka badel ku sameeyeen islamarkaana ay cod aqlabiyadda ku ansixiyeen.
Mudanayaasha Golaha Odayaasha ee Guurtida Somaliland ayaa fadhi laga shaqeeyay oo la iskugu keenay Shalay ayaa waxa arooryadii hore loo qabiyay xeerka Iskaadhsiinta Somaliland oo ay isla Doraad uun Golaha Wakiiladdu wax ka badel ku sameeyeen, waxaanay isla shalay Guurtidu cod aqlabiyad ah ku raaceen oo ay ku meel mariyeen in wax ka badel lagu sameeyo xeerkaasi.
Qodobada ugu culus ee wax ka badelka lagu sameeynayo xeerkaasi ayaa waxa ka mid ah in meesha looga saarayo in shirkadda internetka ee Somcable ee uu mulkiilaha ka yahay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi ay kooto ku sii haysato xadhigga Feber Optiga loo yaqaan oo hore gaar loogu xidhay shirkaddaasi sanadkii 2011-kii.
73 mudane oo ka tirsan 82-ka Mudane ee uu Golaha Guuriddu ka kooban yahay ayaa u codeeyey Shalay in Xeerkaasi wax ka badel lagu sameeyo, sidoo kale cid ka amuustay may jirin, cid diideyna may jirin, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayaanu ansax ku noqday oo uu ku ku meel maray wax ka badelka xeerkaasi lagu samanayaa.