Dawladda Soomaaliya Iyo Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Oo Kulan Yeeshay

0
961

Abidjan (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen  dib-u-habeynta hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya  iyo Bangiga Hormarinta Africa kaddib deynta cafinta.

“Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika  Akinwumi Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta  iyo hormarka  dhaqaalaha Soomaaliya,kadib deynta cafinta,waxaan aad ugu mahadcelinayaa  Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu  garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda  ayuu yidhi/Wasiir Beyle.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu u mahad celiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood si loo gaaro guushan deynta cafinta u huray wax kasta oo ay awoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here