Dhagaxbuur (Foore) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Toorey ama Mindi oo xalay lagu qaaday nin la dhashay oo ay walaalo yihiin madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Mudane Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar).
Weerarka ayaa lagu soo warramaya inuu ka dhacay gudaha magaalada Dhagaxbuur, iyadoona lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweyne Cagjar.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu Cabdiraxmaan weerarkaasi ka soo gaadhay dhaawac, islamarkaana lagu dabiibayo xarun Caafimaad oo uu isagu maamule ka yahay oo ku taalla Magaalada Dhagaxbuur.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkaasi, iyadoona ninkii weerarkaasi fuliyey oo isku dayey inuu baxsado gacanta ay ku dhigeen ciidamada ammaanka degmada Dhagaxbuur.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan baadhitaaano dheeraad ah laamaha amnigu ay ku hayaan ninkaasi, si loo ogaado qorshaha uu ka lahaa weerarkaasi oo doonayay in uu waxyeelo weyn ugu gaysto Madaxweynaha Walaalkii oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Muxumed Cumar.
Dhacdadaan ayaa ah mid ku cusub deegaanadaasi, iyadoona si aad ah saaka looga hadal hayo magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya falkan weerarka ah ee lala beegsaday Madaxweynaha walaalkii.