Kiisaskii Ugu Horreeyey Caabuqa Corona Virus Ayaa Soo Gaadhay Waddanka Boqortooyada Sucuudiga

0
842

Riyad (Foore)- Iyada oo xaaladda faafinta cudurka Corona Virus uu si xawli leh dunida guudkeeda ugu sii fidayo waxa arrin argagax leh nooqnaysa sida uu dalal cusub qaab xawaare sare ku socda ugu sii gudbayo halka wararkii ugu dambeeyey ee cudurkan la xidhiidhaa sheegayaan in waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya uu noqday mid ka mid ah dalalkii carbeed ee uu saacadihii la soo gaadhay soo gaadhay cudurkani.

Wasaaradda caafimaadka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha dalkaas lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona.

Saraakiisha waxay sheegeen in qofka uu ku dhacay Corona uu yahay muwaadin u dhashay Sucuudiga oo ka yimid dhinaca Iiraan.

Dalka Tunisia , waxaa lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee qabo cudurka kaas oo ah muwaadin u dhashay Tunisia oo ka yimid dhinaca Talyaaniga.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Urddun waxay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona kaddib markii laga helay qof u dhashay dalkaas oo kasoo safray Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here