Walaac Kasoo Kordhay Soomaaliya Kadib Markii Dagaalyahano Shisheeye Oo ISIS Ahi Xoojiyeen Daacish-ta Puntland (Sawirro)

0
809

Galgala (Foore)- Xaalad cusub oo walaac leh ayay dunidu ka muujinaysaa waddanka Soomaaliya kadib markii la helay xogo cusub oo tibaaxaya in dagaalyahano cusub oo qaarkood ajaaniib yihiin ay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalanta Goobo ku yaalla Bariga Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo awalba ay halkasi ka jireen xaalado amni darro ahi.

wararkii ugu dambeeyay ee aannu xaaladdan ka helayno ayaa tibaaaxya in Inka badan soddon 30 dagaalyahanno ah oo cusubi ay ku biiray ururka ISIS ee ku sugan dhulka buuralayda ee gobolka Bari (Puntland Soomaaliya), warbixinnada sirdoonka ayaa daaha ka qaaday, iyadoo shan ka mid ah la rumeysan yahay inay ajnabi yihiin.

In ka badan shan sano, ISIS-Soomaaliya waxay dagaal kula jirtay kooxda la tartamaysa ee  al-Shabaab. ISIS ayaa qorashada dagaalamayaasha ajaanibta u arkaya inay qayb ka yihiin istiraatiijiyadooda xoojinta sida ay tilmaamayaan warbixinnada sirdoonka.

Saddex dagaalyahan oo ka socda Yemen iyo laba kale oo ka yimid Ciraaq, ayaa lagu arkay xerada tababarka IS ee lagu magacaabo Al-Qurayshi, taasoo kutaala dhulka buuralayda ee gobolka Bari (Puntland)

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegaya in kooxdu ay ku qasbantahay in ay dagaalyahanadeeda u dirto koonfurta Soomaaliya, oo ah gobol ay si weyn gacanta ugu hayaan kooxda la tartamaysa ee Al-Shabaab, sida uu qoray Cabdiqani Xasan, oo ah weriyaha Reuters ee Puntland.

Toddobaad ka hor, dagaalyahan IS-Somalia waxaa lagu arkayay iyagoo tababar culus ku sameynayay gudaha Puntland, taasoo sii kicineysa dareenka ciidamada amniga dowlad-goboleed nabdoon ee Puntland.

Ma cadda sida dagaalyahannada shisheeye ay gudaha ugu soo galeen dalka, laakiin duullaanka qorsheysan ee Koonfurta Soomaaliya ka socda ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho dhadhaqaaqa mintidiinta, marka loo eego hawlgallada degdegga ah ee ciidamada XDS iyo kuwa Mareykanka ay ka wadaan gobolka.

Halkan Ka Daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here