Dhuusamareeb (Foore)- Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Shaakir Cali Xassan oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Amniga guud ahaan deegaannada Galmudug ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya.
Shirkiisa Jaraa’id ayuu ku sheegay in markii ay arkeen xaalada Galmudug guud ahaan garteen in ay u tanaasulaan sida uu hadalka u dhigay bulshada reer Galmudug, isaga oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo wixii hadda ka danbeeya in ay sugto nabad-galyada guud ahaan deegaannada Galmudug.
Warar subaxnimadii hore ee saakay soo baxay ayaa sheegaya in guud ahaan madaxdii Ahlu Sunna iyo saraakiishoodii isku dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo hadda sugaya Amnigooda.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug isaga oo ku gacanseyray maamulka ay dowladdu aqoosan tahay ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Hasse ahaatee waxaa hadda muuqata in arrimahaa oo dhan ay soo afjareen ciidamada dowladda oo uga itaal roonaaday gacan ku heynta qeybo ka mid ah degmada Dhuusa-Mareeb xoogaggii Ahlu Sunna Waljameeca.