Dhuusamareeb (Foore) – Kadib markii sida Muuqata Maanta lagu kala calaf qaaday oo lagu kala adkaaday dagaalkii shalay ka qarxay Maamulka Galmudug oo ugu dambayb keenay in ay is dhiibaan maamulkii iyo madaxdii xarakada Ahlu-sunna Wal Jamaaca waxa sidoo kale mar dhawayd ku dhawaaqay in uu siyaasadda Galmudug ka fadhiistay Guddoomiyihii guud ee Xarakadan oo ah Aabaha ruuxiga ah ee kooxdan Sheekh Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Hoggaamiyaha Guud Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa ku dhawaaqay in uu guud ahaan ka tanaasulay Siyaasadda maamulka Galmudug.
Macallinka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii waxyeelada ku gaadhay dagaalkii 24-ka saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, waxaana uu sheegay in Ahlu sunna aanu ahayn Urur ama dad baneysta dhiigga Muslimka sidaa darteed uu qaatay mabda’a tanaasulka.
Waxaa uu sheegay in aanay aqbali doonin in dad Shacab ah ay ku dhintaan dagaallo markale ka dhaca Magaalooyinka Galmudug ee Ahlusunna gacanta ku heysay.
”Waxaan ka tanaasulney go’aankayagii siyaasadeed ee Hugaaminta Galmudug , anagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono ” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Ahlusunna.
General Mascuud ayaa ahaa Taliyihii ciidankii la qarameeyey ee Ahlu-Sunna, waxuuna hadda hoggaamiyaa guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.
“Waxaan u tanaasulnay shacabkeena markaan aragnay in dhib badan soo wajahan yahay.”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Shaakir.