Cudurkii Coronavirus Oo Meel Daran La Maraya Waddanka Iiraan Iyo Xildhibaan U Geeriyooday!

0
839

Tehran (Foore) – Waddanka Iiraan oo noqonaya mid ka mid ah waddamada ugu saamaynta badan uu ku yeeshay Caabuqa Cudur dhaliyaha ah ee Corona-virus marka laga tago waddanka Shiinaha oo ah kan uu ka soo bilaabmay ayaa waxa ay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in deegaamo kala duwan oo dalka Iiraan ah uu si xawli leh ugu sii fiidayo caabuqani.

Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka dalka Iran ayaa u geeriyooday cudurka Corona Virus sida ay xaqiijisay wakaaladda Wararka ee dalkaas taasoo muujineysa sida uu cudurkaan ugu faafay Jamhuuriyadda Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

Mohammad Ali Ramazani Dastak kaasoo asbuucii hore loo doortay Xildhibaan ayaa la rumeysan yahay inuu u geeriyooday cudurka Corona Virus oo maalmo ka hor laga helay.

Xildhibaankaan ayaa dhintay saakay aroortii hore markii loo qaaday Isbitaal kadib markii uu qabtay xanuun aad u daran oo uu sababay cudurka Corona Virus.

Xildhibaankaan ayaa noqonayaa siyaasigii u horreeyay ee u geeriyooda cudurkan, Waxaa sidoo kale Cudurka uu ku dhacay Madaxweyne ku xigeenka Iran iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Iran ayaa sheegay in cudurkaan ay u geeriyoodeen illaa 43 qof halka sidoo kale la helay 593 kiis oo ku saabsan cudurkaan.

Wadamo badan oo dunida ku yaalo ayaa iska joojiyey duulimaadyada ka imaanayo iyo kuwa aadayo dalka Iiraan oo ah wadanka labaad ee sida weyn uu u sameeyey cudurkaan marka laga reebo dalka Shiinaha oo ah halka uu markii hore cudurkaan ka bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here