Faahfaahinta Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii Ka Socday Dhuusamareeb Iyo Guri-ceel

0
205

Dhuusamareeb (Foore)-Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug

Dagaalka oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaalka maanta ayaa daba socda iska horimaad kooban oo xalay ka dhacay agagaarka xarunta INJi oo ay deggan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, balse kan maanta ayaa ka xooggaan kii xalay dhacay waxaana uu saameyn ku yeeshay dhamaanba qeybaha ay degmada ka kooban tahay.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka xalay ilaa maanta ka socda magaalada Dhuusamareeb waxaana maanta oo Jimca ah hakad  ku jira isku socodka Ganacsiga magaalada iyada oo dadku ay guryahooda ku jiraan.

Dhinaca kale degmada Guriceel ayaa isla maanta waxaa iska horimaad kooban uu ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca oo labaduba guulo ka sheegtay dagaalkan.

Labo ruux ayaa la xaqiijinayaa in iska horimaadka degmada Guri-ceel ay ku dhinteen halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen balse xiligan xaaladu waxaa ay u muuqataa mid deggan.

Wali ma jiro wax war ah oo ay dowladdu ka soo saartay iska horimaadyada maanta ka dhacay degmooyinka DhuusaMaree iyo Guri-ceel oo ka wada tirsan gobolka Galguduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here