Dawladda Soomaaliya Oo Heshiis Taariikhi Ah La Saxeexatay Bangiga Adduunka

0
762

Muqdisho (Foore)- Kadib Dadaalo badan oo ay in muddo ah ku hawlanayd dawladda Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa ay mar kale heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi ah la galeen Bangiga Adduunka iyada oo dhinaca ay maalmihii ugu dambeeyey sii socotay dhammays tirka rajadii Soomaaliya gabi ahaanba ka qabeen cafiska daynta oo soo dhammaatay taasina keentay in warbixin ay soo saartay IMF lagu sheegay in Soomaaliya loogu yaboohay deeq lacageed oo dhan 300 oo Milyan oo doollar

Wasiirka Haddaba Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa saxiixey heshiis ku saabsan wanaajinta iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Adduunka.

Kulanka heshiiska oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ah mid dib loogu soo celinayo xidhiidhkii wanaagsanaa ee ka dhaxeyey 30 sano kadib dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

“Maalintan taariikhiga ah waxay muhiim u tahay Soomaliya iyo Bangiga Aduunka, waayo 30-Sano iyo dadaal badan kadib Soomaaliya waxay si rasmi ah uga faa’ideysan doontaa Deeqaha iyo Mashaariicda horumarinta Bangigu uu bixiyo ayuu yidhi” Wasiir Beyle.

Sidoo kale waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiirka in Wadadii dheereyd ee isbadalka Maaliyadda iyo dhaqaalaha uusan halkaan ku ekaan doonin, hayeeshee maanta uu yahay biloow wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah uu ku farxi karo balse aysan is dhigan doonin ilaa laga gaaro isku filnaasho buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here