Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Saaka Dhex Maray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyaad Puntland Ah

0
775

Arbaca, February, 26, 2020 (Foore)- Puntland iyo Somaliland ayaa warsaxafaadeedyo iskasoo horjeeda kasoo kala saaray dagaal maanta galinkii hore ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray degaanka la yidhaahdo kadhada oo 18km u jira tuulada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka la sheegay in ay soo abaabuleen Maamulka ayaa mid kasta sheegayana inuu guulo ka gaadhay dagaalkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaadhay, balse aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. iyada oo wararku sheegayaan in Ciidamada Somaliland ay Maleeshiyaadkaasi ka qabsadeen tiro maxaabiis ah sidoo kalena ay gaadiid ka qabsadeen.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in ay khasaare soo gaadhsiiyeen ciidamada qaranka Somaliland balse wax war ah oo dhexdhexaad ah illaa imika lagama hayo dagaalkaasi oo la sheegay in uu maanta xoogganaa

Waxay sheegtay Puntland, in dagaalkaas ujeedadiisu ahayd sidii loo khalqal galin lahaa ammaanka gobolka Sanaag gaar ahaan maamulkooda sida ay ku doodayaan.

Dhinaca kale, warsaxaafadeed kasoo baxay afhayeenka ciiddanka milatariga Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalkaas ciidamada Somaliland ay ku qabsadeen hub iyo maxaabiis katirsan ciidanka Puntland.

Somaliland waxay dhankeeda iska fogeeysay inay lahayd masuuliyadda dagaalka iyagoo ku riixay dhinaca Puntland.

Warar ka madax bannaan oo saxaafaddu helayso ayaa sheegaya in dagaalku uu ka bilowday israsaasayn dhexmartay ilaalo labada dhinac ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here