Beesha Caalamka Oo Cadaadis Weyn Saartay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo Iyo Sababta!

0
745

Muqdisho (Foore)- Beesha caalamka ayaa si degdeg ah ugu baaqday in dib loogu laabto Sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan la meel-mariyey, kadib markii ay sheegeen in sharcigaas uu ku guul-darreystay in si cadaalad ah oo loo dhan yahay looga wada qeyb qaato.

Beesha caalamka waxay tilmaameen in sharcigaas oo uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Farmaajo usbuucaan gudihiisa uu ku guuldareystay in uu qeexo mataalada haweenka, xuduudaha iyo arinta Somaliland.

Bayaanka ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan uu walaac la mid ah midkan ugudbiyay Golaha Amniga, isagoo ka digay haddii aan wax laga qaban arrimahan, in ay caqabad ku noqon karto xaqiijinta doorashada hal qof, hal cod.

Bayaankooda bulshada caalamku waxay ugu yeertay dowladda, guddiga doorashooyinka iyo qeybaha kale ee ay khusayso in ay ka tashadaan oo ay si deg deg ah  u xalliyaan arrimaha muranka badan leh ee sharcigaan quseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here