Muqdisho (Foore)– Hogaamiye Kooxeedkii hore ee Soomaaliya Dagaal Ooge Cali Mahdi Maxamed oo khudbad ka jeediyey shirweynaha beelaha Mudulood maanta uga furmay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee beeshaasi Mudulood.
Cali Mahadi ayaa sheegay in Mudulood aanu ahayn Qabiil ee uu yahay qowmiyad weyn, sida uu hadalka u dhigay.
“Mudulood qabiil maahan waa qowmiyad weyn oo ilaahey karaamo siiyay”. ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Mudulood uu yahay garabka midig ee qaranimada Soomaaliya, islamarkaana wax uusan rabin aan laga sameyn karin Soomaaliya.
Mahadi ayaa sidoo kale ka hadlay warar baryahaan dambe soo baxayey oo sheegayey in la baajinayo shirka maanta Mudulood uga furmay gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin cid diidi karta inay ka tashadaan aayahooda dambe.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay Mudulood si la mid ah beelaha kale uu xaq u leeyihiin inay ku shiraan sifo sharci ah, kana wada hadlaan xaaladda dalka.
Hoos ka daawo muuqaalka