Muqdsiho: Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Xayiraad Ka Qaadistii Shirkadda Barakaat

0
682

Muqdisho (Foore)- Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweeyey xayiraad ka qaadistii Shirkaddii Xawaallada Barakaat taasoo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar  Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu goobjoog u ahaa sida uu hadalka u dhigay dhacdooyinkii dhacay xiligii shirkadda xayiraad la saaray  islamarkaan uu xiligan aad ugu faraxsanyahay in ay dib u helaan  xoriyadoodi ganacsi.

Gudoomiyaha Shirkadda Barakaat Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka hadlay munaasabada ayaa faah faahin ka bixiyay kana sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray iyo  garab istaagii ay u sameeyeen dadka soomaaliyeed kadib go’aankii ay  dowladda maraykanku xayiraada u saartay shirkaddaha Barakaat iyo wixii  ka dhashay.

Guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka mid aheyd mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa ka sheekeeysay sida ay dadka Soomaaliyeed shucuurtooda u muujiyeen markii xayiraada la saaray Shirkadda.

Sheekh Cali Wajiis, oo ka mid ah culimadda Soomaaliyeed  ayaa u rajeeyay maamulka shirkadda Al-Barakaat in ay horumar la taaban  karo markale gaarsiiyaan umadda soomaaliyeed

Gudoomiyaha ururka  haweenka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xaflada kalmad  kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay muhiimada ay leedahay in xayiraada  laga qaado Shirkadda Barakaat.

Mareykanka ayaa dhawaan ka qaaday Shirkadda xayiraadii saarneyd tan iyo sanadkii 2001 kaddib markii lagu eedeeyay in ay xiriir la leedahay ama la shaqeyso kooxaha Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here