Addis Ababa (Foore)- Ethiopia ayaa qorshaynaysa inay siidayso warbixin ku meel gaadh ah oo ku saabsan shilkii diyaaradeed oo ay ku dhinteen 157 rakaab ah iyo shaqaale, ka hor sanadguurada koowaad ee shilka bisha soo socota.
Amdye Ayalew, oo ah madaxa baaraha shilalka ee dalka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in aysan diyaar u aheyn in ay sii daayaan warbixinta kama dambeysta ah.
Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego maalin cayiman siideynta warbixinta kama dambaysta ah.
Xeerarka ay maamusho hay’adda duullimaadyada ee fadhigeedu yahay Montreal, ICAO, ayaa Itoobiya ku amraya inay daabacdo warbixin kama dambays ah 10-ka Maarso, sannad-guuradii shilka.
ICAO kama qeybqaadaneyso baaritaanka dhacdada.
Afhayeenka Wasaaradda Gadiidka Itoobiya Musie Yehyies wuxuu diiday inuu sharraxo sababta warbixintii ugu dambeysay aan loo siidaynin wuxuuna sheegay in Sabtida la filayo in guddiga baaritaanka ay la kulmaan toddobaadyada soo socda si ay uga shaqeeyaan.
Bishii Abriil ee sanadkii hore Maamulka Duulista Hawada ee Itoobiya ayaa sii daayay warbixin horudhac ah taas oo shaaca ka qaaday in cilado ka yimid xagga matoorka diyaarada Boeing ay gacan ka geysteen shilkii dhacay tobankii march 2019.