18-Ka Arrimood Ee Mucjisada Ah Ee Ku Duugan Jidhka Aadamaha Iyo Layaabkooda

0
57
Lawadaag Asxaabta...

Jidhka Bani Aadamka waxa ku duugan aayado iyo waxyaabo mucjiso ah oo u baahan in la dhugto si loogu cibro qaato oo loogu mahad naqo Allaha weyn SWT ee isagu abuuray una abuuray sida ugu qurux badan. Dhammaanteen waan aragnaa balse uma fiirsano. Baadhitaano badan oo khubarada caafimaadku ku sameeyaan Jidhka aadamaha ayaa keenay in mar walba wax cusub laga ogaado abuurka layaabka leh ee waaxyaha kala duwan ee jidhka qofka Bani Aadamka ah. Waxa aynu qormadan kooban ku soo qaadan doonaa 18-ka arrimood ee ugu layaab badan ee jidhka Qofka waxaanay kala yihiin:

  1. Inta badan Ubadku waxa ay dhashaan iyaga oo indhahoodu yihiin midabka Cirka oo kale (Light Blue) maxaa yeelay sababtu waa iyaga oo aan wali arag midabka Qorraxda balse daqiiqado kadib waxa ay noqdaan midabka Cad iyo qaybta dhexe ee Bu’da oo madaw ah. Inkasta oo lagu kala duwan yahay dhinaca isirka qaybtaasi madaw oo ay dadka qaarkood midabo kale yihiin sida: Cawlaan, Buluug iwm.
  2. Xataa Mataanaha hal mar ka soo wada baxay uur hooyana, waxa la ogaaday in dadku qof kastaa ur gaar ah leeyahay. Neefta qofka jidhkiisa ka soo baxda Afka ama sanku qofna qofka kale uma ur eka. Waxa kale oo la ogaaday in aanu qofna qof la ur ahayn xagga siifadda jidhkiisa.
  3. Maskaxda Qofka Bani Aadamka ah waxa la ogaaday in ay is ticmaasho 20% Hawada Oksajiinta (Oxygen) ee Jidhku qaato iyo tamarta jidhka.
  4. Haddii qofku doonayo in uu wax dhadhamiyo waxa la ogaaday in aanu wax dhadhan ah dareemi Karin illaa dhareerka ay soo daayaan qanjidhada afkiisu burburiyo hadba walaxda cunto ee uu qofku doonayo in uu dhadhamiyo oo afka galiyo. Tan macnaheedu waxa weeye dhareerka afkeenu soo daayo ayaa sabab u ah in aan wax dhadhamino.
  5. Lafaha Jidhka Bani aadamka ku jiraa waxa la ogaaday in ay sagaal jeer ka adag yihiin kuwa kale ee xayawaanada. Laf kasta oo jidhka bani aadamka ah ku jirtaa waxa ay qaadi kartaa culays dhan 9 tan.
  6. Unug kasta oo ka mid ah unugyada jidhkeena ee dhiiggu waxa uu jidhkeena ku wareegi karaa wax ka yar 60-seken oo u dhiganta Hal Daqiiqo.
  7. Bani Aadamku waxa la ogaaday in uu yahay Makhluuq ku tiirsan xagga aragga. Ku dhawaad sagaashan Boqolkiiba (90%) Macluumaadka aan kala kulano deegaanka aan ku noolahay waxa aan ku garanaa ama ku gaadhnaa waa dhinaca aragga ama indhaheena.
  8. Khubarada Caafimaadka ee ku takhasustay jidhka aadamuhu waxa ay xaqiijiyeen in celcelis ahaan Ninka qaan gaadhka ahi maallintii jidhkiisu soo saaro ku dhawaad 10-Malyuun oo ah xayawaanka Manawiga ah (Sperm) -waa noolaha yar ee qofka laga abuuro ee ku jirta Manida-, waxaanay taasi la macno tahay in qofka kali ah ee ninka ahi maadaama uu maalintii soo saari karo 10-milyan oo Sperm ah haddii ay noolaan lahaayeen in uu kalidii adduunka taran ahaan ku buuxin lahaa muddo ka yar 6 bilood.
  1. Dareeraha ka qayb qaata hab-dhiska dheef-shiidka qofka Aadamaha ah ee ay calooshu soo daysaa waxa uu ka awood weyn yahay in uu baabi’iyo dareeraha macdanta Zinc oo ah macdan aad u quwad weyn. Hadana su’aasha la is waydiin karaa waxa ay tahay haddiiba dareerahaasi awood intaasi le’eg leeyahay sababta keentay in aanu wax dhibaato ah u gaysan gidaarka caloosha oo ah lakab cad ah oo jilicsan, waxaanay sababtu tahay gidaarka lakabka sare ee caloosha lafteeda ayaa soo daaya dareere kale oo kaasi ka hor taga oo ay isaga difaaci karto dareeraha dheef-shiidka ah ee aan soo sheegnay.
  2. Mudada qofku nool yahay cimrigiisa waxa la sheegaa in celcelis ahaan qofku qub dhacsado oo maqaarkiisa ay ka dhacaan ku dhawaad 40 Rodol oo lakabka sare ee Maqaar ah (Unugyo Maqaar) oo u dhiganta 18-kg.
  3. Khubarada caafimaadku gaar ahaan kuwa ku takahasusay arrimaha jidhka Aadamigu waxa ay sheegaan in Kelli kasta oo qofku leeyahay ay ku rikiban tahay 1,000000 oo Filter (qalab nadiifiye ah) shabakaddaasi Filtarka ahi waxa ay daqiiqaddii kali ah nadiifin kartaa 1.3 litir oo dhiig ah waxaanay khashin ahaan u diri kartaa 1.5 Hal litir iyo badh maalintii, khashinkaasi oo jidhku kaadi ahaan dibada isaga saaro.
  4. Celcelis ahaan dadka ku nool dalalka hore u maray waxa la ogaaday in qofku mudada cimrigiisa inta uu nool yahay isticmaali karo 50 Tan oo ah cuntooyinka la dheefsado iyo 50,000 (Konton Kun oo Litir) oo ah cabitaano dareere ah.
  5. Heer-kulka Qofka Bani Aadamka ah jidhkiisa ku jira ee uu soo saari karaa wakhtiyada qaarkood waxa ay kulaylin kartaa Galaan Biyo ah badhkii, taa macnaheedu waxa weeyi in heer kulka jidhka aadamuhu wakhtiyada qaarkood Baylin karo biyo xaddigoodu dhan yahay Galaan Badhkii.
  6. Haweenayda Qaangaadhka ah waxa uu Jidhkeedu soo saaraa in ka badan Nus Milyan Xabbo oo Ugxan ah balse waxa kaliya ilmo laga abuuri karaa 400 oo Ugxamood, taa macnaheedu waxa weeyi haddii ay soo saari karto haweenayda qaangaadhka ah ee caafimaad qabtaa ku dhawaad 500 oo kun oo Ugxaan ah in 400 oo ka mid ah ilmo ay ku qaadi karto ugxantaasi faraha badan ee jidhkeedu soo saarayo.
  7. Sambabada Qofka Aadamaha ah waxa la sheegaa in ay ku jiraan in ka badan Saddex Boqol oo Malyuun oo xadhko sida shabagga ah oo isku xidhxidhan waa xadhko aad u yaryar oo sida timaha oo kale ah. Haddii la kala furi lahaa oo dherer ahaan la isugu xidhi lahaa waxa ay gaadhi lahaayeen bed dhan 1500 oo Km.
  8. Dahaadhka sare ee Galka indhaha ka sareeyaa waxa ay kor iyo hoos 24-kii saacdood u dhaqaaqaan in ka badan 100,000 oo jeer. Waa ilbidhiqsiga kali ah ee indhaheenu sameeyaan cadka ku dahaashan indhaheena oo 24-kii saacadood ee kali ah dhaqaaq sameeya in ka badan Toban Kun oo goor.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here