11 Qodob Oo Aad Si Fudud Ugu Kala Ogaan Karto Dabeecadda Qofka Beenta Badan Iyo Kan Run Sheegga Ah

0
91
Lawadaag Asxaabta...

Halkan waxa aan ku eegi doonaa qormo xiiso badan oo muujinaysa sida ay u kala duwan tahay Dabeecadaha Bani’aadamku. Waxaa ku jira kuwo kuu waramaya hadana kaa qarinaaya Sirtooda gaarka ah, halka aad xiliyada qaar la kulmeyso mid kaasi ka duwan kana wanaagsan oo aan waxba kaa qarsaneynin. Waxaa jira kuwo isku maldahaya hadalka ama qaabyo kala duwan wax u sheegaya oo ku dareensiinaya inay wax u qarsan yihiin.

Haddaba qeybta hoose kaga bogo qaabka ugu sahlan ee aad ku kala garankarto:-

Wax Ka Baro Dabeecadaha Dadka Kale…

  1. Haddii qofku wax badan seexdo (iska hurdo), Waa qof murugo badan
  2. Haddii qofku wax yar hadlo balse boobsiis u hadlo, Wuxuu xafidaa Sirta (Waa sir haye)
  3. Haddii qofku cuntada u cuno si aan caadi ahayn, waa neerfooso.
  4. Hadduu qofku waxyaabo yar yar ka oohiyaan, waa qof daacad ah oo qalbi jilicsan
  5. Haddii qofku ka caroodo waxyaabo yar yar ama nacasnimo ah, wuxuu u baahan yahay Jaceyl.
  6. Haddii qofku wax kastoo la weydiiyo si adag/qalafsan uga jawaabo is difaacana ku badan yahay, waxaa haya cuqdad nafsi & kalsooni daro.
  7. Haddii qofka markuu faraxsan yahay aan hadalka joojin karin, markuu murugeysan yahayna aan eray oran karin, waa qof aan naftiisa kontorooli karin.
  8. Haddii qof la amaano farxo, markii wax laga sheegana caroodo, waa qof remote-control dad kale u hayaan oo kolkii ay rabaan bedeli karaan.
  9. Inaan Xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar.
  10. Haddii qofka dantiisa dadka uga dhigo dan guud, waa af-miinshaar (Turufatoore)
  11. Haddii qofka markuu rabo inuu dadka wax u sheego yidhaahdo afkeennu waa isku amaan ama dhaaro inaanad cid kale u sheegayn arrinkan aan kuu sheegayo, waa Xan badane ee iska ilaali sharkiisa kana fogow in aad adiga laftaadu si u dhiibato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here