10-ka Magaalo Ee Loo Aqoonsaday Kuwa Ugu Nolol Qaalisan Sannadkan Sii Dhammaanaya Ee 2018

0
242

Sannad walba oo sii dhammaanaya waxa dunida laga qiimeeyaa arrimo fara badan oo la xidhiidha nolosha shucuubta adduunka, waxaana arrimaha xiisaha leh ee sannadkan la qiimeeyey ka mid ah caasimadaha adduunka ee ugu nolosha qaalisan oo la soo saaray.

Shabakadda caanka ah ee Business Insider oo inta badan soo saarta qiimayno kala duwan ayaa waxa ay toddobaadkan daabacday 100-ka Magaalo ee ugu nolosha Qaalisan dunida, waxaana xusid mudan in ay qiimayntan soo galayaan 9 magaalo oo carbeed oo noqonaya kuwa ugu nolol qaalisan dalalka Carbeed ee dhawr iyo Labaatanka ah.

Caasimadda wadanka Venezuela ee Caracas ayaa loo aqoonsaday in ay tahay caasimaddii ugu nolosha qaalisanayd caasimadaha waddamada dunida sanadkan sii socda ee 2018 iyada oo dhaqaalaha waddankaasi kor u sii kacayo inkasta oo qalalaase siyaasadeed jiro haddana waxa ay noqotay caasimaddiisu tan ugu nolol adag caasimadaha dunida. Kirada guryaha, gaadiidka la raaco, huteelada iyo guud ahaan adeega laga helo ayaa ah mid qaali ah. Waxaana kor u sii kacayay dalxiisayaasha sannadihii ugu dambeeyey dalkaasi booqnayay. Waxa arrin layaab leh noqonaya in waddanka Switzerland oo ka mid ah dalalka sida weyn booqashada loogu tagaa liiska 10-kan magaalo ee ugu horreeya uu ku yeeshay 4 ka mid ah.

Liiska 10-ka Magaalo ee ugu nolosha qaalisani sidan ayay u kala horreeyaan:

  1. Caracas, Venezuela
  2. Zurich, Switzerland
  3. Geneve, Switzerland
  4. Basel, Switzerland
  5. Bern, Switzerland
  6. Luanda, Angola
  7. Tokyo Japan
  8. Seul, South Korea
  9. Oslo, Norway
  10. Shanghai, China

 

Dhinaca kale haddii aan diiradda saarno dalalka carbeed, Caasimadda wadanka Qadar ee Doha ayaa noqotay caasimadda Carbeed ee ugu nolol qaalisan magaalooyinka dalalka Carabta iyo bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika iyo guud ahaan dalalka ku jira Jaamacadda Carabta. Caasimadda wadanka Qadar ee Doha ayaa ah caasimad si weyn u soo jiidatay sannadihii ugu dambeeyey dad badan oo shisheeye ah, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska iyo ganacsiga. Nolosha dhinaca Kiraynta guryaha, qiimaha maceeshadda, qiimaha Hu’ga iyo isgaadhsiita ama caafimaadka ayaa dhammaantood qaali ah dalka Qadar gaar ahaan caasimadda Doha, waana arrinta keentay in loo aqoonsado caasimadda carbeed ee ugu nolol qaalisan dunida xataa waxa ay ka kor martay caasimadaha ay tartanka kula jirto ee Abu Dabi iyo Riyaad. Majaladda oo qiimayntan soo wadday safartii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan sii dhammaanaya ee 2018 ayaa waxa ay 9-ka caasimadood ee carbeed ee ugu nolosha qaalisan u soo qaadatay sidan oo ay u kala horreeyaan:

1.Caasimadda Wadanka Qatar ee Doha

2.Abu Dhabi, caasimadda wadanka UAE

3.Dubai, Magaalada Labaad ee UAE

4.Beirut, Caasimadda Lubnaan

  1. Kuwait, Caasimadda Kuwait
  2. Cammaan, Caasimadda Jordan
  3. Riyadh, Caasimadda Saudi Arabia
  4. Jeddah, Saudi Arabia
  5. Qaahira, Caasimadda Masar

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here