Search

Yuusuf Indha Cade Oo Dabka Ku Sii Shiday Khilaafka U Dhaxeeya Maamulka Muqdisho Iyo Maamullada Puntland Iyo Jubbaland

Cabdiweli Gaas Iyo Axmed Madoobe Waxaan Leeyahay Joojiya Qabyaaladda Qaawan Ee Aad Isku Raacaysaan ”…Yuusuf Indhacadde
Muqdisho (Foore)- General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo kamid ahaan jiray Hogaamiye Kooxeedyadii hore ee dalka dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya ayaa waxa uu dhaliilay Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland ee dalkaasi Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay inay si khaldan isku baheysanayaan, xaqna aanay u lahayn in ay diidi karaan dhismaha maamul goboleed kale sida Galmudug ama mid kale toona iyagana aan laga baryi doonin in la dhiso. “Ummada Somaliyeed waxaa la rabaa inay fahmaan in khalad isku baheysanayan C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, waxaan leeyahay joojiya qabyaaladda aad isku baheysanaysaan.” Ayuu yidhi General Yuusuf Maxamed Siyaad oo ah qabqable dagaal. Yuusuf Maxamed Siyaad oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalkaasi Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland, ay diiddan yihiin Dhismaha Maamulka Galmudug, oo toddobaadyo ka hor lagu dhisay Magaalada Cadaado. “Puntland iyo Axmed Madoobe oo kaalmaynaaya waxay ka cabanayaan waa Maamulka Galmudug, maxaa wax loo dhistay? Oo dadkaas wax u dhisanayaan waaye. Marka maxaa wax loo dhisanaa? Anigana aan wax dhisto! Adduunka meelay ka jirto lama arko.” Ayuu yiri Yuusuf Maxamed Siyaad. Waxa kaloo uu yiri “In dalku uu Nidaam Federaala qaato Puntland iyadaa ku riixday oo tiri waa in Federaal la qaato, Nidaamkaana ayadaa la timid, ayadaa Ummada Somaliyeed ku riixday. Madaxweyne C/laahi Yuusuf markii la dooranaayeey ku riixday, maanta yeey ka qaylin. Puntland haku qanacdo Nidaamka Federaalka ah.” Waxa uu intaa ku daray “Axmed Madoobe waa Maamul, Waamuu jooggaa 47 qabiil buu u yahay Madaxweyne ku meel gaadh (KMG) ah, haku qanco Ummadiisa. Qaabka qabiilnimada oo uu u dhaqmaa ha iska daayo.” Hadalka ka soo yeeray Sarkaalkan, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli Jubbaland iyo Puntland aynaan ka soo qaybgelin shirkii New Deal ee Arbacadii iyo Khamiistii ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *