Xusuustaydii Inqilaabkii Milatari Ee Soomaaliya Ka Dhacay 46 sanno horteed 21/10/1969-kii – Qalinka: Rashiid Sulub Caalin

Maalintay ahayd 21-October1969 oo inqilaab milatari ka dhacay waddankii laysku odhan jiray Soomaaliya, ee ay ciidanku la wareegeen talada wadanka. Maalintaas anigu waxaan tegay iskuulkaygii oo ahaa Sheekh Bashiir ee Hargeysa ku yaal. Markii aanu iskuulkii galnay waxaanu aragnay macalimiintii oo bannaanka taag-taagan, markaasay nagu yidhaahdeen ‘orda oo guryihiinii ku noqda’, waddanka waxa ka dhacay inqilaab ciidanka milatarigu sameeyeen, oo ay taladii ka qaadeen dowladdii rayidka ahayd. Waxay intaas raaciyeen waxa inqilaabkaas hoggaaminaya General Maxamed Siyaad Barre.oo ah Taliyaha guud ee cidanka, Waqtiga dib loo furi doono iskuulkana idaacadda ka dhagaysta.
Aniga iyo carruurtii dhiganaysay iskuulku maanu garanayn inqilaab wuxuu yahay, laakiin waxaanu ku faraxsanayn fasaxa nala siiyey, anaggoo xisaynayney ciyaarta aanu waqtiga u helayney.
Markaan gurigayegii ku laabtay oo ahayd abbaaro 8:00am subaxnimo, ayaa waxaan arkay aabbahay (ilaahay ha u naxariistee) oo daaradii gurigayaga taagan oo aad moodeysay in uu war qiimo leh iga sugaayay, waxaanan u sheegay in iskuulkii nalaga soo fasaxay. Macalimiintayadiina ay nagu yidhaahdeen ‘waddanka inqilaab milatari baa ka dhacay, oo waxa xukunkii laga tuuray Dowladdii rayidka ahayd, waxaana hoggaaminayey inqilaabkaasi General Maxamed Siyaad Barre Taliyahii Ciidanka Somaliya. Markii aan aabbahay u sheegay waxaan xusuustaa, in bartii uu taagnaa uu dhowr iyo toban daqiiqo aanu is dhaqaajin, oo uu gacantiisa madaxayga timahayga marmarinayey oo kaliya. Wax hadal ahina kamuu soo bixin, waxaana ka muuqatay wajigiisa murugo weyn oo uu la madoobaaday iyo aragagax ku dhammaa jidhkiisa, isagoo aad moodo sidii qof laydh qabsaday oo kale.
Anagoo halkii taagan waxa noo soo galay nin seedigay ahaa oo walaashay qabay lana yidhaado Maxamed Siciid Caabi, oo ahaa Xoghayaha Gobolka Woqooyi Galbeed, isla markaana ahaa sii hayaha Gudoomiyaha Gobolka Woqooyi Galbeed. Maxamed Siciid Caabi walaashii waxay aheyd Caasha Siciid Caabi Ilaahay ha u naxariistee waxayna ahayd Ooriddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo markaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya ahaa Alleh ha u naxariistee. Aabbahay inta uu soo dhoweeyey masuulkan u yimid ayaa wuxuu geeyey qolka fadhiga, aniguna waan la fadhiistay. Maxamed Siciid wuxuu u sheegay aabbahay in xalayto 3:00am habeenimo ciidankii milatarigu gurigiisa ay isku warejiyaan, gudahana u soo galeen, ee ay baadheen oo ay gabagabeeyeen, waxayna iga qoreen si qasaba ah, inan Maamulka Gobolkan ku wareejiyo taliyihii Ciidanka 26-aad ee gobolka Woqooyi Galbeed, sidaasna uu warqaddii ugu sexeexay, saakana ay waabarigii ka tegeen gurigi uu ku jiray oo imika ah Guriga weyn ee M.weynahii Daahir Riyaale leh ka dhistay Goobtii uu M.S.Caabi iyo walaashay Fadumo ay daganayan oo ahaa Guryahii Ingiriisku dhisay kii ugu wanaagsana,marka laga reebo Guriga Badhasaabka.
Markii ay sharaab cabbeen ee ay wa -xoogaa nafisaden, ayuu aabbahay ka sheekeeyey Maxamed Siyaad Barre iyo aqoonta gaar ka aheyd ee uu lahaa. Sida aan mar dambe aan ogaan doonanona ay saaxiib ahaayeen muddo dheer , oo ay isku barteen nin ay aabbahay saaxiib iyo walaalo hor ilaahay ahaayeen oo hawlo Ganacsina ay ka dhexeeyeen,oo ahaa Alleh ha u naxariistee Yusuf Iman oo dowladdii ka horraysay ee uu madaxweynaha ka ahaa Aadan Cabdale Cusmaan uu ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga. Maxamed Siyaad Barrena wuxuu ahaa Taliye ku Xigeenka Ciidanka Milatariga, labadooda xafiisna ay isku xigeen, oo uu aabbahay ku sii sugi jiray Wasiirka xafiiska Siyaad Barre. Waxaanu ii sheegay aabbahay inuu ahaa Siyaad Barre nin sheekooyinka aad iyo aad u jecel sigaarka iyo bunkana aad u cabbi jiray. Waana halka aan ka fahmay inay muddo dheer is yaqaaneen maadaama uu xidhiidh joogto ah la lahaa aabbahay Wasiirka Gaashaandhigga. Sida uu ii xaqiijiyey Maxamed Siyaad Barrel laba jeer oo aan aniga laftaydu la kulmay 1981-kii iyo 1984-kii, oo uu afkiisa iiga sheegay inay aabbahay saaxiib dhow ahaayeen uuna aad u qadarin jiray,maanta Siyaad Bare uu iga hooseeyaye.
Anigoo waqtigaa uu inqilaabku dhacay ilaa 1o jir meelahaas ahaa, oo aanu qolkii fadhiga wadda fadhino, ayaa aabbahay Sulub Caalin waxa dabada ka galay sheeko dheer oo uu seedigay uga sheekaynayey Maxamed Siyaad Barre Shakhsiyadiisa,Dhankiisa. Waxaanan hadaladiisii ka sii xusuustaa inuu yidhi ‘Siyaad Barre waa nin Mucangag ah oo cuqdad tirsanayey oo qabiilayste asal ah, oo uu yahay Nin shaadh madoobe ah oon wali gacmahiisu daahireynin,oo ah shar badan oo ba’an Soomaalina meel ay joogtaba u horseedi doona mudo dheer rogmasho iyo baaba, Markaa anigu waqtigaa maan fahansanayn kelmadda Mucangag iyo shaadh madoobe laakiin mar dambe ayaan ogaaday inay tahay qof aad u maskax adag oo aan la loodin karayn tiisa mooyaane,shaadhmadowguna yahay nin is rog rog badan macne khaayin oo kale ah.
Waxase xusid mudan, in Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre ay wax fiican qabteen isaga iyo Golahii sare ee la shaqaynaysay waa intii ay hagaagsanaayeene. Waxaana ka mid ahaa oo aan la illoobi kareyn:-
Qoristii afka Soomaaliga iyo barnaamijkii afka lagu barayey reer guuraaga iyo beeralayda.
Mashruucii abaartii Daba-dheer.
Barnaamijkii bacaadka lagula dagaalameyey.
Iyo iyagoo kasbaday in magaca Soomaali uu kor u kacay dadka Soomaaliduna ay wax-soo-saar la yimaadeen.
Horomarinta Tacliinta wax aad u weyn ka qabtay.IWM
Haddii aan dib ugu noqdo xusuustaydii, Waxa kale oo jirtay in maalin maalmaha ka mid ah horraantii todobaatanaadkii, in aabbahay Rag ciidan ah oo saraakiil sare sare ahaa ugu yimaadeen gurigayaga, oo ay u sheegeen in Maxamed Siyaad Barre uu doonayo, waxaanay ku yidhaahdeen ‘diyaar garow’. Waxaanu mar dambe ii sheegay aabbahay, in sababta uu ugu yeedhay Siyaad Barre ahayd, talo uu ka waydiinayey Masuul uu ka dhigo ee ku haboon Badhasaabka Gobolka Woqooyi Galbeed. Waxaanu Aabbahay kula taliyey Kornayl Bile Rafle, oo waqtigaasi Magaalada Burco Gudoomiye ka ahaa inuu Hargeysa u soo wareejiyo. Sida uu ii sheegay aabbahay, waxa dhacday in markiiba uu la hadal ciddii ay khusaynesay sidaasina loogu badaley Godoomiyaha Gobolka Woqooyi Galbeed ee Hargeysa Bile raflena oo hormarweyn oo illa maanta la taabankoro ka smeeyay Hargeysa shicibkna ay aad iyo aad u jeclaayen. Sidoo kale, wuxuu aabahay ii sheegay inuu Siyaad Barre kala tashaday abaartii dhacday 1974-kii ee Daba-dheer oo dad iyo xoolo badanba ku leedeen wixii ay ka yeeli lahaayeen dowlad ahaan. Sida aan ka hayo aabbahay oo maanta iga hooseeya, wuxuu kula taliyey Madaxweynahii, in dadkan rafaadsan ee silicsan ee ay abaarta daba dheeraatay saamaysay, in loo daad gureeyo oo loo raro dhulka nimcadda jiifto ah ee aan laga wada faa’iidaysan ee ah wabiyada Koonfurta ku yaalla, oo ay noqdaan beeralay beeraha fasha, maadaama ay xoolihii ka baxeen. Sidaasina ay golihii kacaanku taladiisii ku qaateyn. Gargaarna ay waydiisteen waddamadii saaxiibka la ahaa oo Dalkii Ruushku ugu horeeyay , oo diyaaraddo waaweyn iyo Gawaadhiba ay ugu deeqeen si loogu daad gureeyo dadka abaartu heshay dhulka wabiyadana la dajiyay, oo ay imikaba wali deggan yihiin, oo ay ku najaxeen. Waqtigaasina wuxuu aha intay taladu toosnayd ee la kala dambayn jiray.
Qaddiyadda 3-aad sida uu aabbahay ii sheegay wuxuu ahaa in uu si toos ah ugu digay Siyaad Barre, in beesha Isaaq aanu ku deg-degin kana gaabsado inta uu kari karaayo qorshayaal uu aabbahay aan odhan karo Alleh ayaa ku sii ilhaamiyay amaba aqoontii uu u laha Siyaad Bare ayuu ka dhegtay in debindaabyo iyo dil,xasuuq usan u geysan Isaaq oo qubista dhiigoodu yahay mid aan la mahadin,iyadoo Guudahaanba muslimka oo dhan laga illaliyo dhiigooda waxii xaqadaro ah, Hase ahaatee taladaas 3-aad kumuu camal falin Siyaad Barre ee balaayo dambe oo dhici doonta ayaa hor ordaysay baan odhan kara.
Horraantii todobaatanaadkii, aabahay oo ka mid ahaa Ragga hadalkooda la qadariyo ee laga dambeeyo bulshada dhexdeeda, haddaan qaddiyad kale ka soo qaado, waxay ahayd intii aan xornimadda la qaadan in Gumaysigii Iingiriisku uu u soo jeediyey dadkii daganaa woqooyi in iskuulo gaara loo furo hablaha reer S/land, waxaanu uu kala tashaday odayaashii woqooyi daganaa inay ka qeyb qaataan iskuulo hablaha wax lagu baro in la furo. Isla goobtii la fadhiyeyba waxay ugu jawaabeen odayaashii ‘ma hablahayagii baad u soo jeesatay oo aad dhillooyin ka dhigaysaa’?, maalintaas sida Rag waa weyn oo looga qaateen ahi ay ii sheegeen oo ila imika nool, oo goobtaasi fadhiyay ay ii sheegaan waxa uu aabbahay odayaashii u soo jeediyey inay laba mid kala doortaan oo ah:- Inanta oo wax barata oo haddana dhiloowda iyo inantii aan waxba baran oo haddana dhiloowda faraqa u dhexeeya. Isagoo markaas ujeedda uu ka lahaa ay ahayd, inuu cilmigu mid Diiniya iyo mid Maadiyaba ahba uu qofka bartaa uu ka saari karo dhibta soo wajahda oo uu cilmiga laftiisu uu horsed u noqdo ka badbaadinta qof xumaanta iyo khataraha keeni kara dib u dhaca , haddii ay inantu noqoto mid dhilawda uu ka saari karayo cilmigii ileyn inantii wax baraty wey ku shaqeysan karta oo ay ku madaxbanan karta xagga dhaqaalaha. Haddii uu qofku jaahil yahayna waxa xaqiiqo ah inaanu qofku dhibaatooyin badan ka gudbi karayn waligii oo iftiinkii aqoontu ka maqan tahay. Intaa ka dib waxay odayaashii isla qaateen in iskuulo loo furo hablihii oo ay wax bartaan.
Horraantii todobaataneeyadii wuxuu aabbahay bilaabay tabliiqayn waxa imika loogu yeedho amma wacyigalin bulsheeda, waxaanu meel kasta oo uu istaago uu kula dardaarmayey amma uu farayey Rag iyo Dumarba, inay Isaaqu ciidanka dalka ku biiraan inta kalena ay waddanka ka dhoofaan oo ay shaqo iyo Cilmi u doontaan Wadamada Carabta iyo kuwa daafa aduunka ku yaala. Taasna waxaan ku xaqiijinayaa, hooyaday waxay dhimatay anigoo 3 jir, aabbahayna inta badan wuu na gaxayn jiray oo gacan ayuu na heyn jiray, sidaasina waxaan xogogaal u ahaa baan odhan karaa wacyigalinta uu samayn jiray. Sida la fahmi karana dhowr iyo 20 sanno ee ka danbeyay waqtigaa uu wacygigalinta samaynayey ay natiijo fiican oo midho dhalisay ay oo keentay oo laga faa’iiday waciyigalintaasi, taasoo oo ay ka mid ahayd, in raggii ciidanka galay waqtigaas intii dhimantay ama uu Siyaad Bari uusan dilan ay markii dambe ku biireen amma ay horseedba u ahaayeen jabhaddii SNM, oo ay aqoontii ciidanimo ee ay soo barteen uga faa’iidaysteen dib u xorrayntii waddankan S/Land. Sidoo kale markii qaxii iyo wareerkii dhacay ee qaxaqooti la noqday ay caawisay bulshadeena lacagtii laga soo diriyey dibadaha ee lagu quudinayey dadkii la jilciyay amma lagu taageerayey halgankii SNM.
Qoyskayagu kamuu madhnayn hagardaamooyinkii markaa waddanka ka dhacayey, waxaana naga soo gaadhay dhimasho iyo dhaxal wareejin, iyadoo xoog uu nooga qaaday General Maxamed Siciid Moorgan dhulka ay imika tahay madaxtooyada Somaliland, iyadoo dad badan noo og yihiin inuu yahay dhulkii Agoontii ilma Sulub caalin. Waxaana jirta in Dowladihii hore iyo kuwan dambeba ee S/l aanay waxba ka qaban codsiyadayadii ahaa in dhul kale naloogu beddelo. Waxaanan 1984-kii uga dacwoonay Siyaad Barre, waxaanu markiiba anaga oo hor fadhina oo aan dhagahayaga ku maqlaayay uu la hadley Moorgan waxaanu ku yidhi ‘ Waar ma dhul kale ayaad wayday oo aad wax ad dooneysid ka dhisatid! Illaa imikana Dhulkaasi oo Madaxtooyada S/Land ka dhisantahay ay sidaasi nooga maqan yahay oon waxba nalooga soo celin.Madaxweynashii soo maray S/land ugu dacwooney, iy ooago noo qirsanaa,hadana ay wax aan ahaan af macaani aanan kalo kulmin, iyadoo dadbadan oo been abuur ku sheegaty dhul aysan laheyn wax looga celiyay.Sidaasina Madaxeynaha imika jooga Mude Ahmed iyo kuwa soo socda waxa aan leeyahay goobtan aad ku raaxeysatan waa dhul agoomeyd ee hoos u dhuta oo ka qaada talaabada idiin la gudboon ee la idiinka yeele lahaa ,hadii sidan oo kale idin ku dhaci lahayd,sida aynu ka dharagsanahayna Ogaanta wax badan buu Alleh inooga digay ee ha u dayma la’aanina.
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa 3 qodob oo kala ah ko:-, inaanan halkan ugala jeedin inaan ammaano,ama faaniyo aabbahay Sulub Caalin nuur oo uu san waxba dheereyn ama kaga duwaneyn Ragii markaasi joogay ee kale ee ay iga tahay tariikh ka run sheega, inkasto uu abahay ahaa in seaman oo daafaha aduunka soo wada maray,Miyi iyo magaalona yaqaaney T,dadka aragtida fogna uu haybad u lahaa.Ta labaad anigoo ah qoraa Dadka af Soomaliga ku hadalana, sanad walba waxaan wax ka qor jiray 21 October wixii aan is leeyahay waa laga faa’iidaysan karaa xusuustayda waqtiyadaasi. Waxaase maanta aan doorbiday xusuustayada gaarka ahayd ee taabanaysay qoyskayaga iyo guud ahaan xaaladihii taagnaa Soomaaliya inaan soo qaato maanta. Ta saddexaad oo ah, in ummad ahaan iyo shaqsi ahaanba in aynu ilaahay lagu xidhnaado, oo aan xadkiisa laga gudbin, haddii taas la samayn waayana wuxuu kugu sallidayaa cid kasta oo ku halligi karta. Sidaa awgeed madax iyo shicibba waxaan u soo jeedinayaa, in inta aynu xadhiga Ilaahay haysano ma la liicayno ee adkeysta xidhkaasi, waxaanan ku talinaya in aynu is qaddariyo, in aynu is qiimeeyno, la isjeclaado, sidaasi ayaanu hormarku ku iman karaa if iyo akhiraba,Oo wax ha lagu qaato halaaga kursi jecelku xad dhaafka ah uu keeno, maanta kuwan inaga mid ahi ee u haliilaya kursi jaceel ay wax ku qaataan Ragga ay ka mid yahiin Siyaad Bare.Sadaam Hussein.Qadaafi iwm
Wabilaahi Towfiiq




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *