Xusuus Qorka Shirkii SODARRE Ee Kooxaha Soomaalida Iyo Doorkii Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed- Qaybta: 93aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 93aad

Waxaa ii soo galay Xaawa Cabdi Samatar oo afadayda ah iyo Yaasiin Afdheere oo dadkiii u sheegay in ay I booqan karaan, markii dadkii soo galeen baan gacanta u ruxay, waxayna qaarkood yidhaahden walaahi waa noolyahay waana fiican yahay, su’aalo bay qaarkood I weydiiyeen waanan uga jawaabay, maalmahaas cunto la ima siin oo faleebo ayaa I quudinaysay, subaxdii labaad saddexdii saac ee barqanimo waxaa ii yimid Prof Dr Williams iyo dhakhtaradii la socotay, waraysi ka dibna waxay igu amreen in aan soo socdo oo aanan iska jiif jiifin, wuxuuna amar ku bixiyey in maalin kasta la ii sameeyo jimicsi iyo masaaajo, kadib kalkaaliye baa ii yimid oo muddo nus saac ah baan lugaynayay, isla maalintaas qol rasmi ah baa la I geeyay oo meeshii hoose waa la iga saaray, Prof Dr Roger Williams wuxuu igu yidhi hadii xaalkaagu sidan ku sii socdo muddo 15 cisho gudahood ah waad kaga baxaysaa dhakhtarka, wuxuuna ii qoray dawadii aan qaadan lahaa, waxaa kale oo isla maalintaas ii yimid dhakhtar la yidhaahdo Dr Heating oo ii shegay in uu yahay ninkii I qalay oo beerka iga badalay, wuxuuna igu yidhi ‘’Waad I weydiin kartaa hadii ay jiraan wax su’aalo ah oo aad qabtid,’’ mudadii 15ka cisho ee aan cusbitaalka jiifay waxaa inta badan ila joogay oo wehel ii ahaa Cabdilaahi Maxamuud Maxamed Farabadane (Cabdilahi Dheere).
Subaxdii 15aad ee aan qalnaa baa waxaa ii yimid Prof Sr Williams iyo dhakhtarad la socotay, waxay iga waraysteen sida itaalkaygu yahay markii ay I dhagaaysteen waxay ii sheegeen in aan maanta ka baxayo cusbitaalka, waxay amreen in kalkaaliye guriga iigu yimaado oo uu dawada I siiyo ilaa inta aan ka baranayo sida dawada loo qaato, waxa kale oo ay ii sheegeen in aanan London ka bixi Karin muddo saddecx bilood ah, waxaana degay guri ay leedahay gabadh la yidhaahdo Faadumo Dhooqa-Ruug oo ku yaala xaafada Camden meel u dhaw saldigga tareenbada ee Kings Cross, mudadii aan gurigaas joogay waxaan galabtii ku lugayn jiray beerta Camden, waxaa ila lugayn jiray Cabdule Qoryoliqe, Yaasiin Afdheere, Xusseen Cali Saylaan, Cabdilcasiis Farabadane, Cabdirashiid Qoor, Eng Maxamed Cali Maad, iyo dhalinyaro kale, saddex bilood ka dib baan dhakhtarkii ku noqday, waana la I baadhay, waxaana la ii sheegay in aan fiicanahay oo aan safri karo balse in aan lix bilood kasta London baadhitaan u imaado.
SHIRKII SODARRE
Markii aan hawshii caafimaadka ka soo farxashay waxaan ka qayb gakay shirar kala duwan oo jaaliyada Soomaaliyeed ee London degen isugu iman jireen, kuwaaas oo lagaga doodi jiray arrimaha Soomaaliya wixii hadba soo kordhana lagaga wada tashan jiray laguna falanqayn jiray, mustaqbalkana lagu odorosi jiray, shirarkaasi waxay u badnaayeen dood cilmiyeedyo iyo xog is weydaarsi, kama soo bixi jirin go’aano iyo halabuurnimo hor leh oo lagu dhaqaaqo.
Inkasta oo labada jawi kala duwaanaayeen, waxaa la odhan karaa in shirarkaasi aanay waxba ka duwanayn kuwii ka socday majlisyada fadhi ku dirirka ee ay Soomaaliya caanka ku noqotay, arrimaha ugu muhiimsan ee dalka ka dhacay muddadii aan la legdamayay caafimaad xumada I soo foodsaartay waxaa ka mid ah bixitaankii ay UNISOM ka baxday dalka, dagaalkii beesha Sacad dhex maray,kaas o ay kala hogaaminayeen Janaraal Caydiid iyo Caato oo hore u ahaan jiary laba nin oo magac dheer ku lahaa USC Iyo Dilkii Caydiid, dilki Caydiid wuxuu soo afjaray loolankiii u dhaxeeyay Cali Mahdi iyo Caydiid kaas oo hareereeyay siyaasada Soomaaliya laga bilaabo 1991kii-1996kii.
…….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *