Xusni Mubaarak Oo Codsaday Diyaarinta Xabaashii Lagu Aasi Lahaa Iyo Qoyskiisa Oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladiisa Maskaxeed

Qaahira (Foore)- Madaxweynihii hore ee wadanka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayay wararka dalkaasi ka imanayaa sheegayaan in ay soo food saartay xaalad liidata oo dhinaca maskaxda ah iyada oo laga dayrinayo xaaladiisa caafimaad kadib markii uu ku dhuftay qulub iyo werwer badan oo sababtay in uu is dhaafo.

Madaxweynaha xilka laga qaaday ayaa xaaskiisa Suzan Mubaarak waxa uu si lama filaan ah uga codsaday in ay u diyaariso qabrigii lagu aasi lahaa isaga oo u sheegay in la gaadhay wakhtigii loo qaadi lahaa xagaa iyo iilka oo ay u duceeyaan sidaana ugu gudbiyaan hoygiisa kama dambaysta ah. Hadalkan ka soo baxay Maxamed Xusni Mubaarak ayaa werwer badan ku keenay xaaskiisa Suzan Mubaarak iyo wiilashiisa Calaa iyo Jamaal Mubaarak oo wakhtigan kula sugan Muntajaca Sharma Sheekh oo ay kaga jiraan xabsi guri lagu ilaaliyo.

Sida uu ku soo warramayo wargayska Roos Al-yuusuf oo aanu warkan ka soo xiganay Maxamed Xusni Mubaarak oo aanay xaaladiisu wanaagsanayn tan iyo intii xukunka laga tuuray ayaa wakhtigan ku sugan xaalad aad u liidata oo dhinaca maskaxda ah, taasi oo ka dhalatay werwer badan iyo fikir aan xad lahayn oo ninkan odayga ah ku habsaday. Wargaysku waxa uu xusay in Salaasadii aynu soo dhaafnay Mubaarak xaaskiisa u sheegay in xaaldiisu aad u liidato ogsoon yahayna in ay tiisii dhammaatay oo uu qarka u saran yahay in uu geeriyoodo, waxaanu ka codsaday in ay war geliso dhamaan ehelkiisa si ay ugu diyaariyaan xabaashii lagu aasi lahaa isaga oo ku dardaarmay in lagu aaso xabaalo lagu magacaabo Aal Thaabit oo ku yaalla Qaahira oo ay ku aasan yihiin badiba dadka ehelkiis ahi. Wargayska oo soo xiganaya warar ku dhawdhaw qoyska reer Mubaarak waxa uu intaasi ku darayaa in dalabka Maxamed Xusni Mubaarak uu naxdin iyo wadne xanuun ku noqday xaaskiisa oo ka dalbatay in aanu mar dambe arrin noocan oo kale ah ku fikirin.

Xabaasha uu dalbaday in looga qodo goob ku taalla cidhifka bari ee Qaahira waxa lagu sheegay in bedkeedu dhan yahay 120 Mitir oo u habaysan si wanaagsan, waana xabaalo lagu aaso dadka magaca leh. Xabaalaha uu doonayo in lagu daro Xusni Mubaarak waxa hindisay oo qaabeeyey wasiirkii hore ee xukuumadda Masar u qaabilsanaa hawlaha guud iyo guriyeyna Injineer Axmed Almaqribi, wakhtigaasi oo Mubaarak door weyn ku lahaa hir gelinta mashruucaasi xabaalaha ah. Xabaalaha Aal Thaabit waxa ku aasan wiil uu awaw u yahay Mubaarak oo uu dhalay wiilkiisa Calaa.

Is badalka nololeed ee ku yimid Xusni Mubaarak iyo qoyskiisa, geeridii Qaddaafi iyo sidii xilka looga qaaday hogaamiyihii Tuuniisiya ayaa saamayn xun ku yeeshay hogaamiyahan xilka dalkiisa lagaga tuuray kacdoonka waxaanu wakhtigan ku sugan yahay sariirta dushiisa isaga oo ah dacwad suge.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *