Search

Xuska Maalinta Dhalashada Nabi Muxammed NNKHA Oo Maanta Dunida Muslimka Laga Xusayo Iyo Qormo Uu Fadliga Mawliidka Kaga Hadlayo G/Xigeenka Wakiiladu Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle

Jacaylka iyo waynaynta Rasuulku waxay ka mid yiihiin waxyaalaha  Qofka Islaamka ah uga markhaati noqoonaya Iimaannkiisa  rumaynta Rasuuulka.
Haddaba hadii Mawliidku yahay muujinta maxabada Rasuulka SCW, cid jecel mooyaane cid kalena aanay qaban karin Xuska dhalashadiisa, haddii aynu ognahay fadliga iyo waynida ay leedahay Maxabada Rasuulkeennii Udgoonaa CSW, haaddaannu ognahay in maxabbadu tahay darajooyinka ugu waaweyn ee Ruuxa Muminka ah Illahay siiyo, qofkii laga waayana aanu lahayn iimaan wax gala,  sida Xabiibku ku yidhi Xadiis uu Bukhaari wariayay ee ah    “ Ilaahbaan ku dhaartee Qofna Iimaan kaamil ah ma laha, illaa Qofkaasi uu ka jeclaado Rasuulullaahi Muxamad SCW Naftiisa, Waalidkiisa Hooyo iyo Aabo, Ubadka uu dhalay iyo dhamaan Dadka oo dhan”. wanaagay doonaanba ha u sameeyaane.
Sida uuu  Allaah nnoo amray jacaylka iyo maxabada Rasuuulka ayuu  inoo iyana inoo faray waynaynta rasuullka, waxaana uu  alaah inagu amray aayado ffara badan.
Waxa uu Ilaahay yidhi Suuratul Fatxi 8-9  ina aad rumaysaan Ilahay iyo Rasuulkiisaba, oo aad Rasuulka waynaysaan, oo Ixtiraamtaan ”.
Suuratul Nuur aayadda 63 wuxuu Ilaahay yidhi  “ha ugu yeedhinna Rasuulka sida aad isugu yeedhaan oo kale”. Eeg sida Ilaahay noo barayo weyneynta Rasuulka xataa habkii loogu dhawaaqayey. Suuradda Al-Axzaab aayadda 6 wuxuu Ilaahay yidhi  “Nibigaa ayaa mu’miniita uga xaq badan nafahooda, Haween kiisuna waa Hooyoo yin kooda”
Suuratul Al-Xujiraat aayadaa 72 wuxuu Rabbi ku yidhi: “Cumrigaaga ayaan ku dhaartee reer qoomu Luud halowgooda iyo jaahilnamdooda  dhexdeeday  ku wareereen”.
 waxa laga wariyey C/Laahi Binu Cabbaas RC inuu yidhi “ Illaahay ma abuurin naf Ilaahay uga karaamo badan  Muxammad SCW, kama aanan maqal Illaahay isaga oo ku dhaaranaya Qof nolshii, Nabi muxmmad mooyaane” Taasina waa karaa mayn iyo Sharfid xagga Alle uga ahaatay,[Safwatul Tafaasiir, 2/114.
Adillooyinkaas faraha badan ee caddaynaya fadliga uu helayo qofkii Ilaahay siiyo jacaylka iyo weyneynta Rasuulka SCW, Imaamyaalkii islamkuna caddeeyeen in dadka dhiga xuska dhalashada Nabiga SCW ay yihiin kuwa Nabiga jecel, ma bannaana in la xanto lana dicaayadeeyo dadka samaynaya khayrkaas weyninka badan.
Waxaad maqlaysaa dadka diida xuska Nabiga SCW oo odhanaya dadka xuska sameeya waxaa ka mid ah dad aan camalkoodu hagaagsanayn oo aan lagu sheegi karin in  ay Nabiga jecelyihiin. Taas waa danbi ma bannaana mana la oggola in la dicaayadeeyo lana xanto qof Nabiga xuskiisa ku bixinaya hanti, xoog iyo maskax, qofkaas xataa haddii camalkiisu liito lama dhihi karo Nabiga ma jecla,  waa qof nabiga jecel, laakiin jacaylkiisa ayay wax ka dhimanyihiin, sidaas waxaa caddaynaya Imaamyaalka uu ka midka yahay Xaafidkii weynaa ee Qaadii Cayaad kitaabka Al-Shifaa. Imaamyaalku waxay arrintan u daliishadeen xadiis saxiix ah oo uu weriyey Imaam Bukhaari, Xadiithkan oo ah: waxaa Nabiga SCW loo keenay Nin laga oofinayo Xad, Khamra uu cabay darteed, Asxaabtii qaar kamid ah ayaa lacnaday ninkii, markaas ayuu Rasuulku difaacay oo yiri : “ Ha lacnadina wuxuu jecelyahay Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Caddayntaas kadib waxaad ogaataan inuu fahan xunyahay qofkii dicaayadahaas la soo aada muslimiinta xusaya Rasuulkooda SCW.    
XUSKA LAGU GAAR YEELO 12-KA MAWLIID
Sida ay ka dheregsanyihiin inta aqoonta naafica ah u leh diinta Islaamka in xus la sameeyo maalin gaar ah waa shay ay jideysey diinta Islaamku. waa arin Marjiceeda iyo Asal keedu aad ugu badan yahay Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka. sidaa waxaa dhigaya adilooyin aad u muuqda, waxayna Culumada Islaamka  ee macruuf ka ahi caddeeyeen in adillooyinkaas xoogga badani daliil u yihiin in Qofka Muslimka ahi uu Xus samayn karo Maalin gaar ah oo ka mid ah Maalmaha Alle, maalin taas oo uu   Illaahay  uga mahad celinayo Nimco uu  siiyey, ama Masiibo uu  ka kor qaaday.
Sida uu dhigayo kitaabka Saxiixu Muslim Waxa laga wariyay Saxaabigii Jaliilka ahaa C/Laahi Binu Cumar RC: Waxa uu ahaa kii taga  (Masjidka) Qubaa maalin kasta oo Sabtiya, wuxuuna ahaa kii yidhaahda waxaan arkay Nabiga (SCW) oo tagaya Maalin kastoo Sabtiya”.  Imaam Nawawi wuxuu Sharaxa Saxiixul-Muslim ee Xadiiskan ku yiri “waxa uu Xadiis kani bannaynayaa oo laga qaadanayaa in Siyaaro la tegi karo maalin cayiman oo gaar ah”.5/7/178 muslim.
Imaam Bukhaari Wuxuu ka weriyey Caa’isha Allaha ka raali noqdee  
“waxay ahaayeen Dadku  kuwa caado ka dhigtay la’eeg eegashada Had yadahooda  maalinta Caasha uu la joogo, iyagoo taa ku rajaynaya Raali ahaan shaha Rasuulullaahi Muxammad SCW. [Saxiixul-Bukhaari  S.5/203. No=2584].
Waxa laga wariyay Ibnu Cumar RC “Waxa uu ahaa Nabigu SCW mid aan tukan Duxada laba maalmood mooyee
1. Maalinta uu galo Maka, waxa uu ahaa kii gala wakhtiga Duxada, kadibna waxa uu  dawaafi jiray Baytka, kadibna waxa uu ku Tukanayey labo rakacadood maqaamka gadaashiisa,
2.    Maalinta uu tago Masjidul- Qubaa,wuxuuna ahaa kii taga Maalin kasta oo Sabtiya, marka uu galo Masjidka wuxuu kar’hi jiray inuu ka baxo illaa uu ku tukado dhexdiisa. waxa kale oo uu sheegay Anas “In Rasuulku ahaa kii taga Siyaarta Masjidkan
isaga oo lugaynaya iyo isaga oo wax fuushanba.[Saxiixul-Bukhaari 3/68    No=1191].   Xadiith ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu yidhi Abuu Muusal Ashcari RC “Nabigaa (SCW) markuu soo galay madiina waxa uu arkay Dad Yuhuuda oo waynaynaya Maalinta Caashuura oo Soomaya,  waxa uu yidhi Naabigu(SCW) anagaa idinka xaq leh Soonkeeda, waxaanu amray in la soomo malintaasi”. [lafdiga Saxiixul- Bukhaari 7/221]. Haddaba waxaa inta Ilaahay rumaysay oo Rasuulkooda jecel la weydiinayaa haddii Rasuulka CSW uu maalin gaar ah Siyaara sameeyey, haddii yahuuddii weyneyneysey maalin gaar ah Nabiguna yiri annagaa u xaq badan inaan weyneyno, maxaa diiday in Nabiga la Raaco oo Xus lagu weyneeyo Maalintii uu dhashay Nabiga ugu darajada weynaa Makhluuqa Ilaahay abuuray.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *