Search

“Xulka Hargeysa Waxa Dhex Fadhiya Xildh.Cagayare,Oo Cod Xaaraan Ah Ku Soo Baxay,Waxa Uu Diyaarinayaa Sidii Ay Isku Dilli Lahaayeen Xulalka Hargeysa Iyo Awdal”Suldaan Mawliid.

Hargeysa(Foore) – Suldaan Mawliid Cali Sabayse oo ka mid ah Salaadiinta ugu miisaanka culus Gobolka Maroodi jeex ee Caasimadda Hargeysa, islamarkaana ka mid ah Salaadiinta mar walba ka hadasha xaalada dalka ka taagan ayaa Shalay ka digay fidmo uu sheegay inuu wado Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo lagu magacaabo Cagayare,oo uu sheegay inuu ka dhex aloosayo Xulalka Ciyaartoyga Gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal oo dagaal gacan ka hadal ahi ku soo dhex maray Xili ciyaareedkii soo dhamaaday ee Gobolka Awdal.
Inkasta oo ay Ciyaartooyga Gobolka Maroodi jeex ka hadheen Ciyaarta Afarta Gobolka ee ka bilaamaysa Garoonka kubada Cagta ee Hargeysa Statium, haddana Suldaan Mawliid Cali Sabayse waxa uu qaylo dhaan ka soo saaray fidmo dagaal oo uu sheegay inuu abaabulayo Xildhibaan Cagayare oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa,oo uu iskugu dhufanayo Ciyaartoygii isku soo faro saaray Gobolka Awdal. Waxa uu suldaanku sheegay in Xildhibaankani oo sheegtay nin reer Hargeysa uu dhiig ka dhex walaaqayo labada Ciyaartoy oo uu suldaanku ku dheeraaday inay yihiin dad cid walba iska xiga, oo walaalo ah, oo jiiraan ah. Suldaan Mawliid Cali Sabayse ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaan Cagayare uu ku fadhiyo Kursi Xaaraan ah oo aanu xaq ulahayn islamarkaana,waxa uu sheegay in ninkaasi aanu ahayn nin sheegan kara deegaanka Hargeysa,waxa uu fariin ugu diray inuu ka daayo carruurta beenta uu u sheegayo ee uu leeyahay reer Hargeysa ayaan ahay.
Suldaan Mawliid Cali Sabayse oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Gobolka Hargeysa iyo Gobolka Awdal waa laba Gobol oo walaalo ah oo Xumaani kama dhexayso,waa dad wada dhashay,waa dad is ah,waa dad isku deegaan ah,waanu isku ood xignaa,Ciyaartoygii Maroodi Jeex,halkaa inan Xildhibaan ah ayaa dhex fadhiyo oo leh reer Hargeysa ayaan ahay oo Cagayare ayaa la iyidhaa,kaasi oo cod xaaraan ah ku soo baxay markiisii horeba,Deegaanka Hargeysana maaha ee Been ayuu carruurtana u sheegayaa”.
Suldaan Mawliid Cali Sabayse ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay sii ogaato fidmada uu Xildhibaan Cagayare ka dhex wado ciyaartoyga walaalaha ah,waxaanu bulshada ugu baaqay in wixii ciyaartoygaasi dhex mara ee dagaal ah inta ay reer Awdal joogaan Hargeysa uu Xildhibaankaasi ka masuul yahay. Waxa hadaladii Suldaanka ka mid ahaa “Ciyaartoyga Maroodi Jeex iyo kuwa reer Awdal ayuu diyaarinayaa sidii ay isku dili lahaayeen,arintaasi waxaanu leenahay haddaanu gobolka Hargeysa nahay,wixii halkaasi ka dhaca ninkaasi dhex rooraya ee abaabulaya ayaa ka masuul ah,imikaba Xukuumaddu ha ogaato”.sidaasi ayuu Suldaan Mawliid Hadalkiisa ku soo koobay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *