BREAKING NEWS
Search

Xulka Gobolka Awdal Oo Sheegay Inay Tartanka Gobolada Uga Hadhayaan Dayn Bixinteeda Wasaaraddu Kaga Baxday

Booraama (Foore) – Xubno ka mid ah xulka kubada cagta ee gobolka Awdal uga qayb-galaya tartanka kubada cagta ee gobolada Somaliland dhawaan ku dhex mari doona Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in aanay ka qayb-gali doonin tartankaasi.
Dhalinyaradan ka midka ah xulka kubada cagta ee gobolka Awdal ayaa sheegay in waaxda wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland ee gobolka Awdal iyo maamulka gobolka Awdal kaga baxeen inay ka bixiyaan lacag $ 710 ah oo ay ku qaabileen koox kubada cagta ah oo qurbaha ka soo booqday, taas oo ay dad ka sii qaadeen.
Dhalinyarada ciyaartoyga ah ayaa sidoo kale waxa ay tilmaameen in xubno ka mid ah kooxdooda loo xidhay dayntaasi, sidaa daraadeed aanay jirin ujeedo ay uga qayb-galaan tartanka kubada cagta ee gobolada Somaliland ee dhawaan ka dhici doono Magaalada Burco.
Kooxda oo shalay Magaalada Boorama ku qabtay shir-jaraa’id ayaa waxa ay sheegeen in lacagtaasi ay ku kharash gareeyeen casuumad ay u sameeyeen koox qurbo-joog ah oo ku booqday Magaalada Boorama.
Dhalinyaradan ka hadlay daynta loo haystaa waxa kale oo ay xuseen in xubnaha aan la xidhina loogu hanjabay in xidhi doono haddii aanay si dhakhso ah u bixin lacagtaasi oo ay hore bixinteeda u balan-qaadeen waaxda wasaarada ciyaaraha iyo maamulka gobolka Awdal balse ay kaga baxeen “Garan mayno wax aanu samayno lacag dhan $ 710 ayaa lanagu leeyahay, waxa la xidh-xidhay qaar ka mida dhalinyaradii, inta kale waala xidhi doonaa dhawaan, maamulka gobolka Awdal iyo wasaarada ciyaaruhu waxa ay nagaga baxeen wixii ay balan qaadeen markii aanu marti-qaadka u samaynaynay ciyaartoyga qurbaha ka yimid” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah kooxda kubada cagta ee gobolka Awdal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *