BREAKING NEWS
Search

Xukuumadda Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay War-Bixin Amaanka Somaliland Lagu Duray

Hargeysa (Foore)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay war-bixin la xidhiidha hoos u dhac ku yimid amaanka qaranka Somaliland oo la sheegay in loo gudbiyey qaramada midoobay.
Xukuumaddu waxay sheegtay in Somaliland nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta qaramada midoobay iyo wadamada caalamkuba ka war-qabaan, waxayna sheegtay in war-bixintaasi laga gudbiyey nabadgalyada dalku tahay mid xaqiiqda ka fog, isla-markaana ay ka shaqeeyeen dad cadow ku ah qaranimada iyo Madax-banaanida Somaliland.
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay dacaayado la xidhiidha in masuuliyiinta qaranka qaarkood xidhiidh la leeyihiin kooxaha xagjirka ah.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu horeyn ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa waxa ka jira in masuuliyiinta qaranka qaarkood xidhiidh la leeyihiin kooxaha xagjirka ah ayaa yidhi “Arrintaasi waa arrin aan xaqiiq ahayn, wasiirrada Qaranka u shaqeeya iyo Masuuliyiinta kale Madaxweynuhu wuxuu ku soo xuhay xirfadooda, waayo-aragnimadooda iyo sida ay daacada ugu yihiin arrimaha horumarka dalka, sidaa daraadeed haba yaraatee waxa ka jiraa ma jiraan warkaasi, waana masuuliyiin Qaran oo wadanka meel halbawle ah kaga jira..”

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka hadlayay war-bixinta amaanka la xidhiidhay ee qaramada midoobay loo gudbiyey ayaa yidhi “Somaliland waa dal dunida oo dhami ka war qabto inuu yahay dal nabadgelyo ah oo xasiloon, oo leh ciidamo ilaaliya nabad-gelyada, Somaliland-na meelaha ugu nabad-gelyada fiican ee ugu xasiloon mandaqada Geeska Afrika”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waa dal dimuquraadi ah, waa dal shacabkiisu heegan u yahay ilaalinta xasiloonida, shacabkuna waxay caan ku yihiin inay la dagalamaan wixii loo arko inay wax yeelayaan xasiloonida Somaliland iyo ta Mandaqadaba, war-bixinta aad soo xigatay (Wariyaha) waxaanu u aragnaa inay khaldan tahay, waayo golaha amaanka iyo waddamada kale ee caalamku way ka dhagarsan yihiin Somalilamd siday uga shaqayso nabad-gelyada”

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu sheegay in war-bixintaasi masuuliyadeeda uu qaadayo xafiiska hay’adda qortay “Arrimaha War-bixintan aad xigatay ku qoran waxa Masuuliyeedada leh cida qortay, marka cid aanu halkan eedayn iyo been abuur uga soo jeedinaynaa ma jirto, Ciidamadda Nabadgelyaddu haddii ay arrimo fal-dambiyeed ah sadka qaar ku hayaan waa wax iyagga u gaar ah, laakiin War-bixintan waxa Masuuliyeeda leh Xafiiska hay’addii qortay, maaha in cid kale lagu cararo, waxaanu leenahay War-bixintaasi waxa ay ka qortay Somaliland waa mid aan jirin, waana mid baalmarsan Nabadgelyada, isku Kalsoonida iyo hawsha wanaagsan ee Somaliland ka socota, markaa waxaanu leenahay arrintaasi arrin jirta maaha”ayuu yidhi

Wasiirka Khaarajiga Somaliland, waxa uu difaacay hay’adaha sirdoonka qaranka Somaliland “Shaqaalaha iyo hawl-wadeenada Ciidamada sirta ee nabad-gelyada Qaranku waa kuwo tababaran oo ku xeel dheer arrimaha ay Qaranka ugu xilsaaran yihiin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saraakiishii sirdoonka iyo nabad-gelyadadu waxay ku sugan yihiin dalka, ma jirto dhibaato Somaliland ka timid oo ay uga haajireen”

Wasiirka arimaha dibadu waxa uu tilmaamay in xukuumaddu aad ugu kalsoon tahay hawlaha sirdoonku qaranka u hayo “Sirdoonku waxay leeyihiin xirfad aanu aad ugu kalsoonahay Xukuumadd ahaan, waxayna wada-shaqayn la leeyihiin beesha caalamka iyo waddamada jaarka”ayuu yidhi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *