Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Si Adag U Cambaareysay Filimkii Lagu Aflagaadeynayay Rasuulkeenii Mudnaa NNKHA

Hargeysa (Foore)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay oo ay cambaareynayso filim lagu aflagaadeynayay Nabi Maxamed (NNKHA) oo uu soo saaray nin kiristaan ah oo degan dalka Maraykanka, kaasi oo cadho weyn iyo mudaharaado rabshado wata oo lagaga soo horjeeday ay ka dhaceen dalal badan oo ka mid ah dunida muslimka.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa sheegay inay Somaliland xukuumad iyo shacbiba ay ka xumaadeen filimkaasi oo uu ku tilmaamay mid fool xun oo fidmo abuur ahaa oo ka dhan ahaa diinta islaamka isla markaana wax lagaga sheegayay Nabigeenii Maxamed Nabad-gelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

“Xukuumad ahaan iyo shacbiba Somaliland waanu ka xun nahay, waanan cambaareynaynaa filimkaasi lagu aflagaadeynayay Nabi Maxamed (NNKHA), waxaanan qabaa inuu ahaa mid fool xun oo fidmo abuur ahaa. Waxaana arrintaasi lagaga hadlay oo laga cambaareeyay masaajido badan oo ku yaala magaalooyinka Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo aw-qaaftu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shacbiga Somaliland waa ummad 100% muslim ah oo ku adag diintooda, waxaanay dareenkooda filimkan xun kaga hadleen masaajidada, waanay ka xumaadeen.” Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa kale oo uu tilmaamay inaanay haboonayn mudaharaado iyo rabashado laga sameeyo dalka.

Filimkan oo uu sameeyay nin kiristaan ah oo ka soo jeeda masiixiyiinta Masaarida, kaasi oo degan dalka Maraykanka, waxa uu cadho badan ka abuuray dalal badan oo ka mid ah dunida Islaamka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *