Xukuumadda oo uga mahad celisay Wakiiladda iyo Guurtida qaraarka ay ka soo saareen Shirka London

Hargeysa (Foore)-Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga mahad celisay labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), oo maanta fadhi wada jir ah oo ay yeesheen cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in Somaliland ay ka qeyb gasho shirka Dawlada Britain ay u qabanayso xal u helida mashaakilaadka ka taagan Soomaaliya.

Shirkan oo lagu soo marti qaaday xukuumadda Somaliland iyo in ka badan afartan dal oo kale oo ka kala socda dalalka gobolka, qaadhaan bixiyeyaasha, AFrika iyo dunida carabta. Waxa kale oo shirkan lagu soo qaadi doonaa la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisadda.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa gp’aanka ka soo baxay labada aqal ee Baarlamaanka ku tilmaamay mid ka tujumaysa wada jirka iyo wada tashiga ay ku socoto dawladnimada Somaliland.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu galabta u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa xukuumad ahaan go’aanka ay Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladdu ku ansixiyeen inay Xukuumaddu ka qeyb gasho shirka dawlada Ingiriisku ku qabanayso magaalada London daba yaaqada bishan,”ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxay arrintani muujisay inay Somaliland ay tahay qaran ku dhisan wada tashi iyo wada shaqayn joogto ah oo ay cid waliba ilaalinayso danaha qaranimo iyo sharafta Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa kale oo uu iyana uga mahad celiyay dareenkoodii sadexda xisbi qaran, ururadda cusub ee siyaasadda, Salaadiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee xukuumaddu kulamada wada tashiga ah la yeelatay.

Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay mar walba u taagan tahay inaydhagaysato tallooyinka iyo aaraada qeybaha kala duwan ee waxgaradka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *