BREAKING NEWS
Search

Xukuumadda oo sheegtay inaanay aqbalayn in shirka Teleex ay ka soo baxdo wax lidi ku ah Somaliland

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa daboolka ka qaaday inaanay marnaba ogolaanayn in shirka waxgaradka Sool uga socda degmada Teleex lagaga hadlo arrimo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland, waxase uu tilmaamay inaanay diidanayn inay beeluhu ay qabsadaan shirar ay kaga tashanayaan horumarkooda.

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu hadalkan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxaanu faahfaahiyay in Somaliland ay ka soo guurtay hab beeleedkii isla markaana ay u digo rogatay nidaamka Axsaabta badan.

Wasiirka daakhiligu waxa uu xusay in Somaliland ay caan ku tahay xasilooni,nabadgalyo,horumar iyo maamul wanaag taas oo ay bud dhig u tahay wada tashiga,is xaq dhawrka iyo nabad ku wada noolaanshaha mujtamaca Somaliland.

Mudane Maxamed Duur waxa uu cadeeyay in Xukuumada uu ka tirsan waxba ka qabin shirarka ay beeluhu kaga arrinsanayaan danahooda gaarka ah iyo horumarkooda. Waxase uu tilmaamay in shirka ka socda deegaanka Taleex ee Gobolka Sool ay u arkaan mid ka hor imanaya wada noolaanshihii ummada reer Somaliland iyo Jiritaanka madax banaanideeda, waxaanu arrintaasi ku sabobeeyay inay shirkaas ka qayb galeen rag siyaasiyiin ah oo aaminsan mabda’a Somali weyn kuwaas oo uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh.

Wasiirku wuxuu sheegay in Cali khaliif Galaydh uu shirka Teleex ku soo dhex keeni karo waxyaabi lidi ku ah maslaxada Somaliland, waxaanu carabka ku dhuftay inaanay taasi aqbali doonin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *