Search

Xukuumadda Oo Shalay Shir Qarsoodi Ah Haamihii Shidaalka Qalinka Ugu Duugtay Shirkado Gaar Loo Leeyahay, Shaqo Joojin Shaqaaluhu Sameeyeen Iyo Murankii Oo Soo Laba Kacleeyay Bebera

Berbera (Foore) – wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa maanta wareejiyey kaydka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera oo muran xoogani ka taagnaa islamarkaana shacabka iyo Axsaabta Mucaarid aad uga qaylyeen in ganacsato gaar ah lagu wareejiyo.
Munaasibad lagu qabtay xarunta gobolka Saaxil Ee Berbera oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa lagu wareejiyey haamaha, waxaana la sheegay inay munaasibadaas goob joog ka ahaayeen shirkadaha lagu wareejiyay haamaha.Shirkadaha lagu wareejinayay kaydka haamaha shiidaalka ayaa la sheegay inay wataan maareeye ay damacsan yihiin in lagu wareejiyo maamulka haamaha, kaas oo masuul uga noqon doona.
Wakalaada Haamaha Kaydka Shidaaalka Berbera oo Mudooynkii Danbeeyay Muran Badani ka Jiray ayaa Saaka Wasiir Xigeenka Ganacsiga ee Somaliland uu Ku Wareejinayay Shirkadaha Madaxa Banaan ee Xukumada Somaliland ay Shaacisay in Laga Kiraynayo.
Gudoomiyaha Shaqaalaha wakaalada hamaha Shidaalka Bebera Cali Geeyo oo Khadka Telefanka ugu Waramay Hadhwanaag Isagoo Ku Sugan Xarunta Haamaha Shidaalka Dhexdooda ayaa Noo Sheegay n Shaqaaluhu Ku Dhaqaaqeen Shaqo Joojin,Illaa Iminkana Aanay jiri Wax Hawla ah oo Saaka Ka Socota Haamaha Shidaalka Mana Jirto ayuu Yidhi wax Booyada oo La Dhaamiyay.Mr Cali Geeyo Waxa uu Intaa Ku daray in Aan Shaqaalaha La daw marin Wixii Xaquuq ah ee ay Lahaayeen Maadaama Shaqadii ay Qaranka u Hayeen Lagu wareejiyay Shirkdo Madax Banaan.
Mr geeyo Waxa uu Sheegay inay Si Wadi Doonaaan Shaqo Joojinta Illaa Xaqooda Meel La saarayo,Sida La wada Ogyahayna Markii warkan Xukuumada Kaso Baxay Mudo Bil ah Ka Hor Waxaa Diiday Golaha wakiilada Somaliland oo cod Gacan taag Ku Laaalay Inay Xukuumadu Kirayso Halbawlayaasha Dhaqaale ee Qaranka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *