BREAKING NEWS
Search

Xukuumadda Oo Ka Muquuratay Soo Dhawaynta Wafti Culus Oo Qaramada Midoobay Ka Socda

Hargeysa (Foore) – Wafti Ballaadhan oo ka kala socda Wadamadda Qaadhaan Bixiyeyaasha ah iyo Qaramadda Midoobay ayaa shalay Galab soo gaadhay Magaaladda Hargeysa. Waftigan oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa soo dhaweyntooda ka qayb galay Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo waliba wakiiladda hay’adaha Qaramadda Midoobay u jooga Somaliland.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ujeedada Socdaalka Waftigan, balse inta ay ku sugan yihiin Somaliland ayaa waxa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ururadda rayidka ah kuwaasi oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya qaramadda Midoobay iyo waliba dhinacyada reer Somaliland. Sidoo kale warar hor dhac ah ayaa sheegaya in xafiiskii Qaramadda Midoobay u qaabilsanaa Wadamadda Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu ahaa Magaaladda Nairobi, loo rari doono Magaaladda Muqdisho ee Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya Taasina ay tahay baa la leeyahay sababta ay wakhtigan socdaalkooda ugu soo beegeen Somaliland oo ay rabaan in ay xukuumadda ku war geliyaan tallaabooyinka ay qaadayaan ee Khuseeya dhammaanba wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. Xubnahan oo ka kooban xafiiska siyaasada ee UNPOS iyo koox ka socota dalal dalalka deeq-bixiyaasha oo u badan Midowga Yurub, ayaan la hadal saxaafada, iyaga oo sheegay in aanay ujeedada socdaalkooda ka hadli doonin , illaa inta ay la kulmayaan madaxda sare ee dalka. Waxaana ay hore socdaal shalay iyo maanta ugu soo mareen Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe. Dhanka kale, ilo-wareedyada ku dhowdhow waftigan iyo Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegaya in weftigani ay sidaan ajandaha shirka London, kaasi oo ay doonayaan marka Madaxwaynaha u soo bandhigaan inay ku qanciyaan sidii uu uga qayb-gali lahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *