Xukuumadda Oo Ka Hadashay Tirada Xoolaha Moosinka Xajka Ee Sanadkan Ka Dhoofaya Somaliland

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa maanta ka war-bixiyey sida ay Wasaaradiisu ugu diyaar-garoobayso dhoofka Xoolaha Somaliland ee moosinka xajka ee Sanadkan 1433 taariikhdeena Hijriyada.

Siday faafisay wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA oo aanu warkan ka soo xiganay Dr Cabdi Aw Daahir, waxa uu sheegay inay wasaaraddu Qaranka ugu xil-saaran tahay qaniimada dalka ILAAHAY siiyey ee Xoolaha Nool isla markaana xil adag in la iska saaro dhoofkooda iyo iibgayntoodu ay tahay qorshayaasha siyaasadeed ee wasaaraddu leedahay.

Wasiirka oo ka hadlayey xadiga xoolaha la dhoofin doono ayaa sheegay in ilaa hadda ay dhoofeen Hal Milyan iyo badh, ugu dambayntana ay wasaaraddu rajaynayso in ilaa sadex Milyan iyo badh oo Neef ay Somaliland ka dhoofaan sanadkan marka la gaadho Moosinka Xajka ee soo socda.

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu ku dhawaaqay in Xoolaha Somaliland uu caafimaadkoodu sareeyo isla markaana dhamaan xoolaha la gaadhsiiyey talaalkii lagama maarmaanka u ahaa, halka sidoo kalena uu rajo wacan ka muujiyey Qiimaha xoolaha nool ee Somaliland oo maalinba ta xigta sii labanlaabmaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *