Xukuumadda Oo Aan Wali Go’aan Rasmi Ah Ka Qaadan Shirka London Iyo Ajandayaasha Dhabta Ah Ee Shirkaasi

Xukuumadda Oo Aan Wali Go’aan Rasmi Ah Ka Qaadan Shirka London Iyo Ajandayaasha Dhabta Ah Ee Shirkaasi

London (Foore)- Xukuumadda wadanka Ingiriisku waxa ay dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday in bisha soo socota ee Febarweri 23-keeda ay dalkeeda shir ugu qabanayso Soomaaliya, kaasi oo ay Somaliland lafteeda ku casuuntay, iyada oo casuumadda shirkan uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan soo gaadhsiiyay ku xigeenka safiirka Ingiriiska ee Addis Ababa.

Iyada oo ay shirkan isugu iman doonaan ku dhawaad 40 wadan oo ka mid ah kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya. Xumuumadda Somaliland ayaan wali shirkan go’aan cad ka soo saarin wakhti ay xisbiyada iyo ururada siyaasaddu aad uga qaylinayaan in aanay xukuumadda Somaliland shirkaasi ka qayb galin.  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka mid ahaa masuuliyiintiii shalay shacabka kala hadlay beerta xorriyadda ayaa ku celiyay in Xukuumadda Somaliland aanay ku degdegin tagitaanka shirkaasi ilaa laga yeelanayo talo qaran.

Maxaa Somaliland dan ugu jirta ee ay shirkan ku waayaysaa hadiiba ay ka qayb gali waydo, maxaase faa’iido ugu jirta hadii ay isa soo taagto madasha shirkan? Waa su’aal aan wali biyo dhaceeda jawaab rasmi ah loo hayn iyada oo aanay kala caddayn mawaaqifta rasmiga ah ee ay masuuliyiinta qaranku ka qaadan doonaan shirkan oo sida la sheegay ay isugu iman doonaan dhinacyada kala duwan ee isku haya awoodda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya?. Xukuumadda Ingiriiska ayaan dabool saarin ajandayaasha shirkan si rasmi ah ugu casuuntay intooda badan maamul goboleedyada yaryar ee Soomaaliya, xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya iyo waliba xarakada Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Ajandayaasha shirka:

Ujeedada shirkan xukuumadda wadanka Ingiriisku waxa ay ku sheegtay mid lagu dejinayo istaraatiijiyad cad oo lagu waajaho xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya iyo waliba sidii gargaar loogu heli lahaa xukuumadda Shariif iyo ciidamada midawga Afrika ee AMISOM. Ajandayaasha shirkan ayay xukuumadda Ingiriisku ku sheegtay 7 qodob intooda badan aan khusayn Somaliland marka laga yimaad la dagaalanka Budhcad badeeda iyo gargaar bani aadamnimo oo Somaliland qaybteeda ka hesho deeq bixiyayaasha. Qodobadani waxa ay kala yihiin:

1-Amniga, 2- Wada Xaajood siyaasadeed, 3- Deganaanshaha Gudaha, 4-  Ka Hortagga Argagixisadda, 5 Budhcad Badeeda, 6- Xaaladaha Bani Aadanimo, 7- Wada Shaqayn Caalami Ah:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *